|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Naxariistii
janno Allaha siiyee madaxweynihii hore ee
Soomaaliya xukuumad soo marta ugu waqtiga
dheeraa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre
wuxuu ku dhashay magaalada Shilaabo ee dalka
Itoobiya, wallow uu ku dooday intii in uu ku
dhashay magaalada Garbahaareey ee gobolka
Gedo ee dalka Soomaaliya, sanadkii
1919kii.
Intii uu yaraa ayuu geeriyooday aabihiis, ma laheyn
sida ay ku doodeen dad aqoon durugsan u lahaa
Formal Education, haddaba si uu uga mid noqdo
ciidamadii boliiska ee hoos iman jirey maxmiyaddii
Talyaaniga ayay aheyd markii ay soo if baxday
in uu ku dhashay gobolka Gedo; intaas ka dib
waxaa u suurtagashay in uu ka mid noqdo ciidamadii
loo qorey Boliiska, wuxuuna ka qeyb galay tababarro
ay u fidiyeen maamulkii Maxmiyadda wuxuuna ka
mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo diro
dalka Talyaaniga sanadkii 1952dii.
Sanadkii 1956dii wuxuu noqday Soomaaligii ugu
horreeyay ee maamul ay yeelato magaalada Muqdisho
ka mid noqda, wuxuuna noqday taliyihii ugu horreeyay
ciidamadii Boliiska gobolka Banaadir.
Markii la aasaasay ciidankii Xoogga Dalka
wuxuu noqday taliye ku xigeen, markii xorriyadda la
qaatay ka dibna, wuxuu qaatay nidaamkii MARXIST,
wuxuu xiriir joogto ah la lahaa saraakiil u dhalatay
dalkii la oran jirey USSR, horraantii
Lixdankii.
Madaxweyne
Max’ed Siyaad Barre wuxuu 21kii Okt. Sanadkii
1969kii talada dalka kula wareegay Afgambi aan dhiig
ku daadan, ka dib markii toogasho lagu dilay
madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr.
C/rashiid Cali Sharmaarke, intii uu talada dalka
hayayna waxaa kor u kacay shaqsiyaddiisii, iyadoo
gidaar kasta oo yaalla Tuulo, Degmo, Gobol
lagu sharaxay muuqaalladiisa ama sawiradiisa.
Guulihii ugu horreeyay ee la taaban karo ee uu
gaarey muddo yarna waxay aheyd markii uu
guddoonsaday qoraalkii afka Soomaaliga,
haddaba qaadashadii xuruufta Laatiinka waxay
noqotay in far Soomaaligu noqdo luqadda
Qaranka, waxayna kalsooni badan siisay
Soomaalida, sanadkii 1972dii oo ku beegneyd
dabaaldeggii sanadguuradii Kacaanka ayaa dhammaan
shaqaalihii dowladda lagu amray in ay bartaan
qoraalka iyo aqriska Soomaaliga muddo 6
bilood gudahood ah.
Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ka mid ahaa
dadka aaminsan Soomaali mid ah ama Great Somalia,
ujeedadiisuna ay aheyd xoreynta & mideynta gobollada
maqan ee Soomaaliya sida:-
Jabuuti;
Somali Galbeed;
NFD ;
Tanina waxay sababtay in dagaal faraha looga gubtay
uu dhex maro dalka Soomaaliya & Itoobiya,
dagaalkanna uu noqdo kii halmiyay Qarannimadii dalka
Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dagaalkan intii uu socday wuxuu sanadkii 1977dii
dalka ka eryay dalkii Midowga Sofiyeetka ama
USSR ee Soomaaliya jaalka la ahaa,
Ruushkuna waxay taageeradii ay u fidin jireen
dalka Soomaaliya u wareejiyeen dalka
Itoobiya, tanina waxay ku qasabtay dowladdii
M.S. Barre in uu taageero ka doonto dowladda
Mareykanka, waxayna dowladda siin jirtay $ 100
Million sanad kasta illaa laga soo gaaro sanadkii
1989kii.
17kii
ilaa 18kii Okt. Sanadkii 1977dii xubno ka tirsan
dhaqdhaqaaqa xoreynta reer Falastiin ay
afduub ku qabsadeen diyaarad laga leeyahay dalka
Jarmalka, Luftansa Flight 181 madax furashana u
qabsadeen 86 ruux ayay ciidamadii Soomaalida
oo kaashanaya ciidamo Jarmalka ka socday
suurtagaliyeen in ay soo furtaan diyaaraddii ay
dadkii la socday, wuxuuna hoggaamiyihii dalka
Jarmalka Chancellor Helmut Schmidt ka helay
abaalmarino isugu jirey Qalab & Gaadiid iyo
taageero kaleba.
Muddadii uu dalka ka talinayay wuxuu fuliyay
barnaamijyo waxtar u leh bulshada, horumarinta
dhismeyaasha Warshadaha iyo Wadooyinka isku
xira inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Sanadkii 1986dii wuxuu shil gaari ku galay wadada
Afgooye ee koofurta ka xigta magaalada
Muqdisho, waxaana loola cararay Isbitaal ku
yaalla dalka Sacuudi Carabiya, wuxuuna dalka
dib ugu soo noqday isagoo caafimaad qaba.
Muddadii uu dalka madaxweynaha ka ahaa waxaa lagu
eedeeyaa in uu geystay falal ka soo horjeeda
bini’aadannimada, hey’adaha u dooda xuquuqul
Insaankuna ku tilmaameen hoggaamiye naxariis daran,
iyo amarkii uu ku bixiyay geerida malaayiin aan
waxba galabsan.
26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991dii ayay
jabhadihii la dagaalamayay xukunkiisa ka eryeen
xaruntii madaxtooyada ee magaalada Muqdisho,
wuxuuna u cararay magaalada Garbahaarey ee gobolka
Gedo, halkaas oo uu ku sugnaa illaa laga soo gaaro
bishii Abril sanadkii 1992dii, waxaa dalka ka saarey
ciidamo u daacad ahaa hoggaamiyihii ururkii USC/SNA
Jeneraal Max’ed Faarax Ceydiid.
Intaas ka dib wuxuu magangalyo siyaasadeed ka helay
dalka Nigeria, wuxuu 2dii bishii Jannaayo sanadkii
1995tii ku geeriyooday magaalada Legos ee dalkaas,
waxaana lagu aasay magaalada Garbaharey ee
gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.
Intii talada dalka laga qaaday waxaa la qabtay in ka
badan 14 shirar dib u heshiisiin ah iyadoo wax
guullo ah oo laga soo hoyay ayan jirin,
Soomaaliyana ma yeelin dowlad shaqeysa wixii
intaa ka dambeeyay.
Codsi:- Fadlan haddii aad heysid qoraal ku
saabsan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u
naxariistee S/Gaas Max'ed Siyaad Barre noo soo gudbi
Isha qoraalkan;
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
|