|
|
| |
|
|
|
|
|
Taariikh nololeedkii Jeneraal Daa'uud C/dulle Xersi |
| |
|
|
|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Jen.
Daa'uud Cabdulle Xersi wuxuu dhashay sanadka
markii uu ahaa 1924kii
Jeneraal Daa'uud wuxuu ahaa General-kii ugu
horreeyay ee Soomaali ah ee dallacaad noocaas
oo kale ah muta heysta tababar dhinaca ciidamada ah.
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan waxaa
loo magacaabay Taliyahii ugu horreeyay ee ciidanka
Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle
Cusman "Aadan Cadde" ayaa u magacaabay in mar
kale uu noqdo taliyaha ciidanka Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Xubno ka tirsanaan jiray qeybihii ciidanka Xoogga
dalka Soomaaliyeed & intii ay u suurtagashay in
ay la kulmaan waxay ku tilmaameen in uu ahaa nin
iimaan badan diinta Islaamkana wax badan ka
yaqaannay, af gaaban, aaminna ahaa, dadkana aan kala
jecleysan, yaqaannay xilka & waajibaadkii ka saarnaa
illaalinta & dhowritaanka midnimada & wadajirka
xubnahii ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Jeneraal Daa'uud wuxuu geeriyooday isaga oo
ku sugan dalkii la oran jiray USSR ee
Midowgii Sofiyeeti sanadkii 1965tii, ka dibna waxaa
lagu aasay magaalada Muqdisho, sida uu ii
sheegayna S/Guud Max'ed Cali Samatar in
maalintii la aasayay loo dalacsiiyay S/Gaas maamuus
& qaddarin ciidamada Soomaaliya dhexdooda uu
ku lahaa darteed.
Codsi:- ruuxii ay u suurtagal u tahay
helitaanka xog dheeri ah oo ku saabsan taariikh
nololeedkii Allaha u naxariistee Jeneraal Daa'uud
Cabdulle Xersi in uu nala soo xiriiro.
Mahadsanidiin.
Isha Qoraalkan:-
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
|
|
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka
mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda
wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay
www.xamardaye.com
ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban) |
|
|