Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Wareysi: Siyaasiga canka Dr Xuseen Cali Axmed gudoomiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Nabada Soomaaliyed islamarkaana ahaa Duqi hore ee magaaladha Muqdisho Doowladii TNG

 


Dr; Xussein Cali Axmed

Qaahira Arbaco , October 17 2007 - Siyaasiga canka Dr Xuseen Cali Axmed gudoomiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Nabada Soomaaliyed islamarkaana ahaa Duqi hore ee magaaladha Muqdisho Doowladii TNG, shacbiga soomaaliyeed Waxa baahida ay Qabaan aan hordhignay heydaha sama falka Sida UNDP WFP Safe Children dadka soomaaliyeedna Haatan kuma Filna gar gaar oo kaliya Waliba in ila kabtar raashin kor looga Soo Daadiyo Si ay Shacbiga soomaaliyeed ay u helaan Gacan bani aadanimo.

Waxa suragal ii noqotay in an La kulmo oo an ka waresto Xaalada guudnimo ee Dalka soomaaliya Dr xuseen Cali axmed oo aan Hordhigay suaalo badan oo Quseeya Dalka soomaaliya.

Asiga oo Sogaray magalada Qaahira Xarunta Wadanka Masar

Suaal: Dr xuseen Cali Axmed Waxaa Tahay Duqii hore ee Magaalada muqdisho islamarkaana waxa siyaasada Dalka soomaaliya Kusoo Dhaxjirtay Xili badan Sidee bay Maanta Kula Muuqataa Siyaasada dalka Soomaliya?

Jawaab: Walaahi Siyaasada dalka Soomaaliya Maanta waxa ay kujirtaa Meel halis ah Waana ka xunahay Dhibaatada maanta ku Habsatay Shacbiga soomaaliyeed.

Suaal: Gudoomiye Waxaad aragtay shacbiga soomaaliyeed in uu barakacay islamarkaana ay dhibaato iyo nabad Guur ka dhacay hadii aad Tahiin xisbiga Dhaqdhaqaaqa banaadir maxaad shacbiga soomaaliyeed xiligan ay u baahan Yihiin gacan bani aadanimo maxaa ka saacideen Maxaase aduunka u weeydiisen Jaale gudoomiye?

Jawaab: shacbiga soomaaliyeed Waxa baahida ay Qabaan aan hordhignay heydaha sama falka Sida UNDP WFP Safe Children dadka soomaaliyeedna Haatan kuma Filna gar gaar oo kaliya Waliba in ila kabtar raashin kor looga Soo Daadiyo Si ay Shacbiga soomaaliyeed ay u helaan Gacan bani aadanimo.

Suaal: Gudoomiye Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Banadir Kaalin intee la eg buu kasoo Qaatay shirkii nabadhenta oo Dhawaan Lagu soo Gaba gabeeyay Dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada muqdisho?

Jawaab: Xisbigaan Kaalinweyn buu kasoo Qaatay Shirkaasi nabadenta Ergana waa noo joogtay shirka.

Suaal: Gudoomiye maadaama aad shirkaasi Kaalinweyn kulaheedeen maxa kala socataa in Hanti lagu lunsaday sida uu ka Dhawaajiyay maxamed Qanyare afrax Taasi oo waliba Lagu Qiyaasay sideed milyan oo Dolar oo an la Ogeen halka ay martay?

Jawaab: aniga Taas Lama socdo hadii lacag la Lunsadhayna Waxa wanaagsan in la cadeeyo ama la horgeeyo Barlamaanka taasna waxa Cadeey kara Hanti dhoorka Guud ee Qaranka soomaaliyeed waana in la Taabtaa Xogta dhabta ah.

Suaal: Dr Xuseen Cali axmed waxa mudo kusoo Dhaxjirtay Siyaasada Dalka soomaaliya sidee baa u aragataa Kala Qoqobnaanta soo wajahdhay maanta Xukuumada Dalka soomaaliya Maxaase u maleyneesa in ay noqon karto Qilaafkas mustaqbalka dalka soomaaliya?

Jawaab: Xalka soomaaliya kuma Jiro isjiidjiid iyo Qoray Caaradiis waxa u kujiraa isamiin iyo nadham Dimuquraadi oo xur ah mana aha in qoray Caaradiisa wax lagu Raadiyo waxaana xusid mudan haatan aduunka in uu Taas ka Gudbay.

Suaal: Idinka Xisbiga Daminta Colaadhaha Dalka soomaaliya ka Jira kaalin intee la eg baad ka Qaadateen Xisbigiinase ilaa intee Xubno ka ah?

Jawaab: anaga Xisbigeena waxa Kaalin ama Door shariif ah kasoo Cayaaray Dagaaladi Ka Dhacay Gobalka Shabelada Dhaxe Waxana xubno ka ah kuxigen axmadey sheekh Xasan , Xogayaha Guud axmed ayakanti Halka Xogayaha arimaha Dibada uu ka Yahay Cabdicasis Cali ibrahim Xiildhiban ,afayankana waa Cabdiraxaman koli

Suaal: Dr xuseen cali axmed waxa noqotay duqii magaaladha muqdisho isla markaana waxa ku soo dhaxjirtay siyaasada dalka soomaaliya in muda ah habeen iyo maalin waxa dhaca qaraxyo iyo dagaalo goos goos ha marka sideebaa lagu xalin karaa?

Jawaab: soomaaliya waxaa ku dhacay nasiib daro waxeeyna ubaahantahay in la badbaadhiyo loona fidiyaa gar gar bani aadanimo oo wax waliba leh ha noqoto xaga dhaqaalaha ha noqoto caafimaadka iyo waxi la mid ah.

Dr Xusseen & Wariye Mahad Carabow

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse