|
|
| |
|
|
|
|
|
Taariikh nololeedkii madaxweyne Dr. C/qaasim Salaad
Xassan |
| |
|
|
|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
C/qaasim
Salaad Xassan wuxuu ku dhashay magaalada
Dhuusamareeb ee gobolka Galduduud oo ku
yaalla bartamaha dalka Soomaaliya sanadkii
1941dii.
C/qaasim Salaad wuxuu waxbarashadiisii ku
dhammeystay magaalada Muqdisho, ka dibna
wuxuu jaamacad kaga baxay dalka Ruushka
sanadkii 1967dii.
Intii ay xukunka heysay dowladdii ugu waqtiga
dheereyd ee soo marta maamulka Jamhuuriyadda
Soomaaliya wuxuu xilal badan ka soo qabtay
hey'adaha kala ah:-
1. Ra'iisul wasaare ku xigeenka 2aad ahna
Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu dambeeyay
xukuumaddii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre.
2. Wasiirka Warfaafinta.
3. Wasiirka Madaxtooyada.
4. Wasiirka Howlaha Guud & Guryeynta.
Markii la riday dowladdii Allaha u naxariistee
madaxweyne Max'ed Siyaad Barre wuxuu ku
noolaa inta badan magaalada Muqdisho.
Bishii August 27keedii sanadkii 2000 shir
lagu soo gebagabeeyay magaalada Carte ee
dalka Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa loo doortay
in uu noqdo madaxweynaha dowladdii KMG ah ee
Soomaaliya.
Intii ay dowladdiisu jirtay uma suurtagalin in
maamulkiisa lagu baahiyo dalka oo dhan, markii ay
dagaallo la gashay hoggaamiye kooxeedyadii ka jiray
Muqdisho qaarkood.
C/qaasim wuxuuna xilka hayay 15kii bishii
Oktoobar 2004tii xilligaas oo uu xilkaasi ku
wareejiyay madaxweynaha dowladda federaalka KMG
ah ee Soomaaliya C/llaah Yuusuf Axmed.
Fadlan haddii aad heysaan qoraal ku saabsan taariikh
nololeedkii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan
noo soo gudbi.
Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
|
|
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka
mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda
wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay
www.xamardaye.com
ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban) |
|
|