|
|
| |
|
|
|
|
|
Taariikh nololeedkii madaxweyne Cali Mahdi Max'ed
|
| |
|
|
|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Madaxweyne
Cali Mahdi Max'ed wuxuu ku dhashay gobolka
shabellada Dhexe ee dalka Soomaaliya
sanadkii 1938dii.
Cali Mahdi Max'ed wuxuu sanadkii 1969kii ka
mid noqday baarlamaankii Soomaaliya ee ugu
dambeeyay ee si dmoqraadi ah loo soo doorto, ka
dibna uu afgembiga dalka kula wareegay madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee
Max'ed Siyaad Barre.
Markii ay talada dalka xoogga kula wareegeen
ciidamadu wuxuu u wareegay dhinacaa iyo ganacsiga
wuxuu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanno, wuxuu
ahaa milkiilihii HOTEL MAKA AL-MUKARAMA.
Dagaalladii ka dhacay dalka Soomaaliya
sanadihii ugu dambeeyay ee maamulkii madaxweyne
Max'ed Siyaad wuxuu ka mid ahaa xubnihii la
magac baxay MANIFESTO ee soo saaray bayaankii
looga codsaday in uu talada dalka isaga dego
madaxweyne Siyaad Barre.
Dabyaaqadii sanadkii 1989kii wuxuu isaga cararay,
waxyar ka dibna markii talada dalka laga qaaday
waxay kooxdii uu ka tirsanaa ee Manifesto u doorteen
in uu dalka ka noqdo madaxweyne KMG ah mudada
ka horreysa shirweyne dib u heshiin oo loo qabto
dadka Soomaaliyeed.
Shirkii 1aad ee lagu qabtay dalka Jabuuti ka dib
waxaa loo doortay mar kale in uu dalka madaxweyne ka
noqdo, nasiibdarrose wuxuu dagaal la galay
General Max'ed Faarax Ceydiid oo uu damaciisu
ahaa in nin ka mudan oo dalka madaxweyne ka noqdaa
uusan jirin.
Dagaalkan oo bilowday 17kii bishii Novembar sanadkii
1991dii wuxuu dhammaaday 03dii bsihii Maarso
sanadkii 1992dii.
Wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa illaa laga soo gaaro
1995tii.
Bishii maarso sanadkii 1996dii waxaa loo doortay in
uu noqdo guddoomiyihii ururkii USC/SSA ee
beesha uu ka dhashay, ka dibna wuxuu madax ka noqday
Isbaheysigii lagu magacaabi jiray Isbaheysiga
Badbaadada Soomaaliyeed ee SSA.
Shir ka dhacay magaalada Sodere ee dalka Ethiopia
sanadkii 1997dii wuxuu ka mid noqday guddoonka
Golihii lagu magacaabi jiray Golaha Badbaadada
Qaranka NSC.
Heshiiskii Qaahira ka dib, wuxuu guddoon
wadaag ah la sameystay Xussein M. Ceydiid
Guddoonkaasina waxaa lagu magacaabi jiray "LA
GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR", markii
uu shaqeyn waayay maamulkooduna wuxuu si KMG ah uga
fariistay siyaasaddii dalka.
Shirkii lagu qabtay dalka Kenya sanadkii 2002dii
ayuu ka qeyb galay markii uu arkay sida ay wax u
socdaan oo uu ku tilmaamay wax aan la aqbali karinna
wuxuu dib ugu soo noqday Muqdisho oo aheyd
fariisinkii uu degganaa.
Bishii April sanadka 2007da waxaa loo magacaabay
shir guddoomiyihii shirkii dib u heshiisiisiinta ee
lagu qabtay magaalada Muqdisho ee ku soo
gebagaboobay 31dii bishii August 2007, shirkaas ka
dibna wuxuu safar u raacay ergadii ka qeyb gashay
shirkaasi oo uu hoggaaminayay madaxweynaha dowladda
hadda jirta ee C/llaahi Yuusuf Axmed.
Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim "Xildhiban"
|
|
Ogeysiis: Qoraaladan Taariikhda ah waxaa ka
mamnuuc ah in aad daabacdo ama aad ku soo bandhigto
wargeys, hadii aad u baahato fadlan la xiriir bahda
wargeyska Xamar iyo Xamardaye uu cinwaankeedu yahay
www.xamardaye.com
ama qoraha caanka ah ee C/casiis Cali Ibraahim (Xildhiban) |
|
|