|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Allaha
U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya
MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku
dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii
1919.
Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii
dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu
noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya
howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee
maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas
ka dambeeyay magaalada Muqdisho.
Wuxuu ka mid noqday ururkii Somali Youth League
waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii,
wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee
Soomaaliya British Administartion Civil Service.
Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay
1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service,
wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka
Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University
of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin
jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad
ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka
dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubinka tirsan
Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative
Assembly.
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii
1, July 19960kii, wuxuu noqday Ra’iisul
wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka
Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu
guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda,
wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa
1964tii.
Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale
noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna
dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa
loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo,
ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga
guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee
Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan
cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla
sanadkaas oo ku beegan 10kii June 1967dii.
Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne
ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada
ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii
Oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolka
Sanaag ee dalka Soomaaliya halkaas oo ay
abaaro ka dhaceen.
Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay
ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii
weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay.
Waxaana 21kii Oktoobar 1969kii dalka Madaxweyne
ka noqday Allaha u naxariistee Sarreeye gaas
Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Isha Qoraalkan:
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
|