Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Gudoomiyihii Shirka Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo socdaalkiisa Baydhabo ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

 

31 Oct 2007 Muqdisho - Cali Mahdi oo mar Madaxweyne ka soo noqday Dalka Soomaaliya, isla markaana ka mid ahaa Qab qablayaashii Soomaaliya ayaa haatan damac weyn kaga jira Xilka Ra'iisul Wasaarenimo ee uu baneeyay Cali Maxamed Geeddi.

Tagitaanka Cali Mahdi ee Baydhabo ayaa ah mid si weyn haatan loogu hadal hayo Baydhabo iyo Muqdisho, iyadoona loo maleynayo in Madaxweynuhu u magacaabo Ra'iisul Wasaaraha Cusub, maanta uu ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

Qorshaha hada socda ayaa waxa uu yahay in Baarlamaanka uu meel mariyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran, iyadoona go'aanada shirka ee horay la isu afgartay lagu gaaray in Dibada laga soo xuli karo xubnaha matala Dowladda, taasoo hada Madaxweynuhu olole ba'an ugu jiro.

Madaxweynaha ayaa laga sugayaa in muddo 35 cisho gudahood ku magacaabo Ra'iisul Wasaare cusub, oo sida la filayo ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse