|
31/10/2008 -
Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamka G/Sh/Dhexe
Sheekh Dahir Caddow Calasow oo soo gaaray
Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in maanta
meel fagaaro kala hadlo dadweynaha reer
Jowhar, kadib markii Gudoomiyuhu uu
Magaalada Jabuuti kaga soo qeyb galay
Shirkii Jabuuti ee Dowladda iyo Isbaheysiga.
Sheekh Dahir ayaa la filayaa in si gaar ah
uu uga warbixiyo dadweynaha reer Jowhar
heshiiskii Jabuuti ay ku kala saxiixdeen
Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u
Xoreynta.
Wadaadkan oo safar dhinaca dhulka ah ku soo
gaaray magaalada Jowhar gelinkii dambe ee
shalay ayaa Diyaarad ka soo qaaday Magaalada
Jabuuti waxay ka soo dejisay Magaalada B/weyn,
iyadoona dadweyne iyo Odayaal ay ugu
hortageen Deegaanka Fiidow oo ilaa 20KM u
jira Magaalada Jowhar.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in
Sheekh Dahir oo khilaaf ba'an kala dhaxeeyay
Amiirkiisa Sheekh Shariif khilaafkooda lagu
soo xaliyay Magaalada Jabuuti, waxaana
meesha laga saaray mad madowgii jiray, kaas
oo ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay
Sheekh Dahir, taasoo uu markii dambe ka biya
diiday.
Intii uu muuqday khilaafka Sheekh Dahir iyo
Amiirkiisa waxaa uu hadal uu siiyay
Warbaahinta uu ku qaadacay wajigii hore ee
Shirkii Jabuuti, kaasoo heshiis horu dhac ah
ay kula kala saxiixdeen Dowladda iyo garabka
uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Lama oga waxa ay ku saleysnaan doonto
qudbadiisa Sheekh Dahir oo beel wadaag ay
yihiin Sheekh Shariif, waxaana dhegta loo
taagayaa hadalka dhinaca uu noqon doono,
inkastoo loo badinayo inuu shirkaas taageeri
doono.
Hogaanka Maxkamadaha Islaamka ayaa kuwo ku
kala qeybsamay Heshiiskii Jabuuti, iyadoona
shalay saraakiisha Maxkamadaha ee gacanta ku
heysa Magaalada B/weyn ay ka soo horjeesteen
heshiiskaas. |