|
31/10/2008
- Ra'isul-wasaaraha dalka Ethiopia,
Meles Zenawi, ayaa isku shaandheyn ku
sameeyey Golihiisa Xukuumadda, iyadoo
Wasiirradda Difaaca iyo Warfaafinta ee
muhiimka u ahaa Xukuumadaasi ay waayeen
xilalkoodii.
Meles Zenawi oo xalay ka soo laabtay
Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo uu kaga
qeyb galay Shirweynihii 13-aad ee
Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku bahoobay
Urur-gobaleedka IGAD, ayaa go\'aanka
isku-shaandheynta ka shaaciyey Guriga
Wakiilladda Shacbiga ee magaalladda Addis
Abeba.
Wasiirkii Warfaafinta ee dalka Ethiopia,
Berhan Xaylu waxaa loo beddelay Wasaaradda
Garsoorka.
Wasiirkii Arrimaha Federalka Ethiopia, Siraj
Fergesa waxaa loo dhiibay xilka Wasaaradda
Difaaca, iyadoo Wasiirkii hore ee Difaaca,
Kuma Demekesa loo magacaabay Duqa
magaalladda Addis Abeba.
Wasiirkii Gaadiidka iyo Isgaarsiinta,
Junedin Sado, waxaa loo beddelay Wasaaradda
Sayniska iyo Teknoolajiyadda, halka
Wasiiru-dowlihii Caafimaadka Dr. Shiferar
Tekle Maryama loo beddelay Wasaaradda
Arrimaha Federalka.
Dhinaca kale, Meles Zenawi ayaa sheegay in
Wasiiradda xilka laga qaaday ay gudah
waayeen xilalkii loo dhiibay, wuxuuna ugu
baaqay Wasiiradda cusub inay mas\'uuliyadooda
ka soo dhalaalaan, oo ay natiijo wanaagsan
la yimaadaan.
Isku-shaandheyntaasi ayaa timid, xilli uu
Ra\'isul-wasaaraha Ethiopia oo ay kumanaan
Askari ka joogaan gudaha dalka Somalia uu si
rasmi ah u shaaciyey inaysan wax Dowlad
Federal KMG ah ka jirin dalka Somalia.
Ma cadda sababaha rasmiga ee uu humaagga
siyaasadeed u geliyey Jiritaanka DFKMGS,
iyadoo la og yahay inuu taageero Milliteri
iyo mid siyaasadeed la garab istaagay
DFKMGS. |