|
31/10/2008
- Kooxo burcad-baddeed ah ayaa waxay
gacanta ku dhigeen Markab xamuul oo laga
leeyahay dalka Turkiga, kaasi oo ay la
socdeen 20-Badmaax.
Markabkaasi ayaa la qafaashay xilli uu
marayey Gacan-biyoodka Cadmeed, mana kala
cadda halka ay Burcad-baddeeda la aadeen
Markabkaasi.
Afhayeen u hadlayu Dowladda Turkiga, ayaa
xaqiijiyey in la qafaashay Markabkaasi oo
lagu magacaabo MV Yasa Nesliha, kaasi oo
waday shixnad birro ah oo uu ka keenay dalka
Canada, isla markaana uu ku sii jeeday dalka
Shiinaha.
Qafaalashadda Markabkasi ayaa timid dhowr
saacadood kadib, markii uu Madaxweynaha
dalka Kenya, Mwai Kibaki ugu baaqay Beesha
Caalamka inay Maraakiib dagaal u soo
daad-gureeyaan Xeebaha dalka Somalia, si
looga hortago falalka burcad-baddeeda ee sii
kordhayso.
Ku dhawaad 30-markab ayaa sannadkan oo
keliya lagu qafaashay Xeebaha dalka Somalia,
waxayna burcad-baddeeda haystaan Tobaneeyo
Markab, kuwaasi oo ay ka soo qafaasheen inta
u dhexeysa Gacan-biyoodka Cadan iyo Xeebaha
Waqooyiga Somalia.
Dhinaca kale, Rajo wanaagsan ayaa laga
bixinayaa in lagu sii daayo Markabka
Xamuulka e MV Faina ee laga leeyahay dalka
Yukrayn, kaasi oo ay Burcad-baddeedu
afduubteen bishii Sept 27-dii ee sannadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Yukrayn,
Volodymyr Ohryzko, ayaa sheegay inay meeshii
ugu dambeyso marayso wada-xaajoodka ay la
leeyihiin Burcad-baddeeda haysata
markabkaasi.
Wasiirka oo maanta shir jaraa\'id ku qabtay
caasimadda dalkiisa ee Keyf, waxa uu
carrabka ku dhuftay inay suurtogal tahay in
la soo daayo markabkaasi saacaddo ama maalmo
gudahood.
Markabka MV Faina, oo ay ku raran yihiin
33-Taangiyadda T 72 iyo Gantaalladda Lidka
Diyaaradaha, ayaa la sheegay inay la socdaan
20-badmaax (17 u dhalatay dalka Yukrayn, 2-u
dhalatay dalka Raashiya iyo mid u dhashay
dalak Lithwenia |