Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

laba ka mid ah kooxihii Burcad badeedada ahaa ee ka qafashay markabka Dekeda Muqdisho oo toogasho lagu dilay

 

31 Oct 2007 Muqdisho - Ugu yaraantii 2 burcad badeed ah ayaa la dilay 5 kalana gacanta ayaa lagu dhigay iyagoo bed qaba, kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada Marineska Ameerikaanka ee loo soo diray in ay la dagaalamaan burcadda badda ee xeebaha Soomaaliya.

Ganacsade Cali Gaabow Jiinow oo ka mida ganacsatada markabkani uu u kireysnaa ayaa saxaafada u sheegay in shaqaalaha markabku ay u sheegeen in lasoo bad baadiyay oo is rasaaseyna ay dhacday,taas oo keentay in ay ciidamada mareykanku dilaan 2 burcad ah 5 kalana qabtaan.

Waxaa sidoo kale uu ganacsaduhu sheegay in ay dhaawacmeen 3 ka mida shaqaalaha markabka saaran oo haatana ay ciidamada badda mareykanku ku dhex daweynayaan markabka dagaal oo ay wataan, waxaase uu ka gaabsaday in uu faafaahiyo bal in markabku dib ugu soo laabanayo Muqdisho iyo in uu halkiisa kasii soconayo.

Xilligan ayuu Ganacsade Cali Gabow jiinow sheegay in markabka lagu hayo meel ilaa iyo 30 mile u jirta degmada Cadale ee gobalka shabeelaha Dhexe,iyadoo burcaddana lagu hayo gudaha markabka ay qafaasheen oo ay marinesku ku ilaalinayaan.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse