|
30/10/2008
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta
Garabka Jabuuti ayaa ka sheegay Magaalada
Nairobi ee Dalka Kenya in lagula taliyay in
Isbaheysigooda uu ku biiro Dowladda
Federaalka Soomaaliya, wuxuuna cadeeyay inay
taasi ahayd mid ay dad kula taliyeen.
Waxa uu sheegay Sheekh Shariif oo wareysi
siinayay Idaacada BBC-da in dad ay kula
taliyeen inay Dowladda ku biiraan, hase
ahaatee wuxuuse sheegay in aysan ahayn
fikirkaas mid rasmi ah balse ay yihiin
tallooyin dad ay la kumeen soo jeediyeen,
wuxuuna sheekha soo dhaweyay hadalkii ka soo
yeeray dowladda Itoobiya.
"Dad ayaa nagula taliyay inaan ka mid noqono
Dowladda Federaalka, balse ma aha soo
jeedintaas mid la isku afgartay, waxay ila
tahay dadka fikirkaas inoo soo jeediyay in
ay doonayaan in Soomaaliya dhibaatada laga
saaro" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed
oo hadaladiisa ka dabacsanaa sidii hore.
Sh. Shariif oo ka hadlaayay kalsoonida uu ku
qabo in Dowladda Itoobiya ay ciidankeeda
kula baxdo muddada ay qabsatay ee 120-ka
maalmood ah, wuxuu sheegay inuu si weyn ugu
kalsoon yahay, inay Itoobiyaanka ay
ciidamadooda kala baxayaan mudadaas ay
qabsatay, wuxuuna xusay in Ciidanka
Itoobiyaanka ay ka baxeen Magaalada B/weyne.
Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa si xoog leh
u cambaareeyey qaraxyada ka dhacay
magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso,Wuxuuna
sheegay in kuwii ka dambeeyey aysan u
adeegeyn danaha shacabka Soomaaliyeed. |