|

30/10/2008 - Xildhibaan Cabdi Cabdulle
Siciid Jinni Boqor oo ka mid ah Mudanayaasha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay
in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu ka
diiday madaxda IGAD in uu is-casilo kadib
markii ay sidaas u soo jeediyeen.
“Madaxda IGAD waxay u sheegeen in muddo afar
sano ah oo ay jirtay Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay wax qaban weysay, sidaas
darteedna loo baahan yahay in uu is-casilo,
hayeeshee arrintaas waa uu ku gacan seyray”
ayuu yiri Xildhiban Jinni Boqor.
Xildhibaan Jinni Boqor waxaa uu sheegay in
Madaxda IGAD oo ay shir wada qaateen
Madaxweyne Yuusuf ay u sheegeen in maadaama
uu wax qaban waayay oo waqtiga dowladdana uu
sii dhamaanayo uu iska nasto xilkana ka dego,
si loogu doorto xilka uu hayo qof kale.
“Waa arrin dhacday in C/llaahi Yuusuf uu ka
diiday madaxdii IGAD in uu is-casilo,
wuxuuna yiri waqtigeyga ayaan
dhameysanayaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray
Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor.
Xildhibaanka oo u waramayay Idaacadda Horn
Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay
in markii ay madaxda IGAD ku guuleysan
waayeen in ay Madaxweyne Yuusuf ka
dhaadhiciyaan in uu is-casilo ay soo saareen
war-murtiyeed sida uu yiri ay soo
dhoo-dhoobeen.
Xildhibaan Jinni Boqor ayaa wuxuu mar kasta
ku eedeeyaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
in uu ku fashilmay in uu xilkiisa u guto
sidii loogu doortay, isagoo dhowr jeer jeer
oo hore sheegay in uu ka soo horjeedo in
nabad iyo dib u heshiisiin lagu soo dabaalo
dalka Soomaaliya.
Hadalka uu sii daayay Xildhibaanka ayaa
wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay magaalada
Nairobi lagu soo gebagebeeyay shir u
dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Madaxda IGAD, kaasi oo looga hadlayay
xaaladda Siyaaso-ammaan-dhaqaale iyo bulsho
ee dalka Soomaaliya. |