|
30/10/2008 -
Haweeneyda Kaaliyaha u ah Xoghayaha Arrimaha
Dibeda ee Mareykanka Jendayi Frazer ayaa ku
tilmaantay qaraxyadii shalay ruxay
Magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso kuwo ay
abaabushay Alqaacida.
Iyadoo ka hadleysay Magaalada Nairobi oo ay
kaga qeyb gashay Shirkii Madaxda IGAD iyo
Dowladda Federaalka ayaa tibaaxday in
astaamaha qaraxyadaas ay yihiin kuwii lagu
yaqiin Alqaacida sida ay hadalka u dhigtay.
"Markaan aragnay nuuca qaraxyadaas, waxaa uu
yahay astaamihii Alqaacida, aad baana uga
xunahay"ayay tiri Jendayi Frazer oo muddo
haatan laga joogo sanad booqasho ku timid
Magaalada Hargeysa.
Mss Frazer ayaa sheegtay inay jiraan Kooxo
yar oo mayal adag isla markaana diidan in
Soomaaliya xasilooni hesho,waxaana ay tiri
in iyaga ay raad ku leeyihiin qaraxyadan ka
dhacay Labadaas Magaalo ee Soomaaliya.
Maalinimadii shalay ayay aheyd markii waqti
isu dhow lala eegtay Magaalooyinka Hargeysa
iyo Boosaaso qaraxyo isku mid noocuudu ahaa,
kaasoo lala eegtay xarumo waa weyn ee ay
leeyihin Maamulada Somaliland iyo Puntland,
waxaana ku naf waayay dad gaaraya 30 ruux. |