|
30/10/2008
- Ciidamada Dowladda KMG ee fariisinka
ku leh Xaruntii hore ee Guulwadayaasha ayaa
toogasho ku dilay ilaa 10 Neef oo geella,
kadib markii uu soo jiiray Geela dhufeyso ay
ku lahaayeen xaruntaas, isla markaana ay ka
shakiyeen in loogu soo dhuunto.
Taliyaha Ciidamada Dowladda KMG ee
fariisinka ku leh Xerada Guulwadayaasha oo
lagu magacaabo Col. C/qaadir Codweyn ayaa
xaqiijiyay in Ciidamada ay toogasho ku
dileen Geella, waxaana uu sheegay in Geella
oo diiday inuu dib u laabto ay rasaas ku
asqeysiiyay, waxaana uu tilmaamay in
Ciidamada sababta ay rasaasta ula beegsadeen
ay tahay, iyagoo ka baqanayay in Xoogaga wax
iska caabinta ay ugu soo dhuuntaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in
Ciidamadiisu ay qasheen hal Neef oo Geella,
waxaana uu sheegay in inta kale ay soo
doonan karaan dadkii lahaayeen.
Deegaanada Jidka Warshadaha oo ay wehel u
noqdeen dagaalo soo noq noqday ayaa ah meel
cidlo ah oo mararka qaar ay Xooluhu u daaq
doontaan, waxaana dadweynaha reer Muqdisho
layaabeen sababaha ay Ciidamada u toogteen
Ma ahan wax ku cusub dadka Muqdisho ku nool
in Ciidamada Dowladda ay dad rayid ah
laayaan, hase ahaatee waxaa dhacdadan ay
tahay mid aan horay loo arag oo xoolo iska
socda la laayo. |