Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Markab Jaziirada Taiwan laga leeyahay oo laga afduubtay Dekeda Xamar Maanta

 

30 Oct 2007 Baydhabo - Markab weyn oo shixnado ganacsi ku dajiyay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa xalay fiidkii halkaasi ay ka afduubteen ilaaladii saarneyd markabka xilli markabka uu ka shiraacanayay dekedda.

Saraakiil ka tirsan dekedda magaalada Muqdishoayaa sheegay , Markabkaan oo la yiraahdo DIA HONGA DAN oo laga leeyahay dalka South Korea ayaa waxaa afduubtay ilaaladii saarneyd, lamana oga halka ay ula dhaqaaqeen.

Markabkaan oo ka soo furtay dalka Brazil ayaa waxa uu u rarnaa ganacsato Somaliyeed, iyadoo uu noqonayo markabkii labaad oo lagu afduubto xeebaha Somalia 24 kii saac ee la soo dhaafay.
Markabkaan ayaa waxaa saaran 22 shaqaale ah oo u dhashay dalalka Koofur bari ASIA.

Markab kale oo la yiraahdo MV Golden Mori oo laga leeyahay dalka Panama ayaa shalay laga afduubtay meel 8 mile u jirta xeebaha Somalia sida ay sheegeen saraakiil dhinaca badaha ah oo u waramay wakaalada wararka AFP.

Somalia Xeebaheeda ayaa waxa ay noqdeen meelaha ugu Qatarsan biyo goboleedka caalamka, iyadoo in ka badan 60 kiis oo Afduubyo kala duwan ah ay ka dhaceen labadii sano ee la soo dhaafay.

qafaalashada Markabkaan ayaa ku soo aadeysa xili Markab Dagaal Marekankanka laga leeyahay uu yimid Xeebaha Somalia si u baacsadaa Burcad badeeda

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse