|
30 Oct
2007 Muqdisho - Iska hor imaad qaraar ayaa
maalintii 3aad ka soconaya Magaalada
Muqdisho, kaasoo geysanaya qasaaro isugu
jirta dhimasho iyo dhaawac.
Iska hor imaadyadan ayaa ahaa mid maanta ka
dhacay suuqa Bakaaraha, iyadoona Madaafiic
ay ku dhacayaan Xaafado ka mid ah Magaalada.
Waxaa guud ahaan Magaalada oo idil laga
maqlayaa hugunka Madaafiic ay soo tuurayaan
Ciidamada Ethiopia kuwaasoo ku dhacaya meelo
ka mid ah bakaaraha iyo Xaafada Hodan.
Madaafiic ku dhacday agagaarka Al-baraka
ayaa haweeney uu ku dilay dad kalena uu ku
dhaawacay, waxaana jira qax iyo barakac ay
sameynayaan dad dhowr ah.
Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda u taag
waayay kooxaha hubeysan ee dagaalada ay kula
jiraan Muqdisho kuwaasi oo maalmihi ugu
danbeeyay dar dar xoogan lasoo baxay,
waxaana labada dhinac ay rasaas ka ridayaan
agagaarada Bakaaraha.
Goobaha Caafimaadka ayaa la dhigay in ka
badan 40 ruux oo dhaawac ah kuna soo
dhaawacmay iska hor imaadyada iyo
madaafiicda ku soo dhaceysa Magaalada
Muqdisho.
Iska hor imaadyadan soconaya ayaa hakad
geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka,
waxaana isku hor imaadyadu ay maanta xireen
ganacsigii Suuqa Bakaaraha. |