|
29/10/2008 - Xildhibaan Mowliid Macaani
Maxamuud oo ka mid ahaa Mudanayaashii shalay
loo xulay in ay la hadlayaan Wasiirrada
Arrimaha Dibadda IGAD ayaa wuxuu ka hadlay
xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan meesha
ay ku dambeyso dowladdii ay IGAD afar sano
ka hor u soo dhistay Soomaaliya.
Mowliid oo inta badan ay xildhibaannada u
sacab tumayeen intii uu hadlayay ayaa wuxuu
sheegay in Dalka Soomaaliya uu burburay
dhinac walba, dowladdii loo soo dhisay in ay
burburkaas wax ka qabatana ay wax qaban
weysay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay
mas’uuliyadda arrintaas leeyihiin dhamaan
xubnaha Dowladda Federaalka, gaar ahaan
madaxda sare ee Dowladda oo ka bixi waayay
is-qabqabsi dhexdooda ah.
“Sac Ruqday oo ay Afar Nin kicin weysay mid
Maqaarka raba ayaa ku jira” ayuu yiri
Mowliid Macaani Maxamed oo sheegay in uu
taasi ula jeedo in dad ka mid ah Dowladda
aysan rabin in ay dowladda cagaheeda ku
istaagto oo ay shaqeyso.
Xildhibaan Mowliid Macaani oo sii hadlayay
waxaa uu u mahadceliyay Urur Goboleedka IGAD
oo Dowladda Federaalka soo dhisay, welina
daba socda, sidoo kalena wuxuu u
mahadceliyay Beesha Caalamka oo iyadana
taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siisay
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida uu
hadalka u dhigaye.
Intaas kadib Mowliid Macaani waxaa uu baaq u
diray Dowladda Mareykanka oo uu sheegay in
wixii ka dambeeyay 1993-kii oo ciidamadooda
lagula dagaallamay Magaalada Muqdisho uu
Mareykanka si aan muuqan ula macaamilo
Soomaaliya.
“Mareykanka labo mid ha yeelo: (1) Inta nagu
soo duulo hana qabsado sida uu yeelay
waddamo dhowr ah oo caalamka ku yaala (2)
ama siyaasadda uu nagula dhaqmayo wax haka
bedelo oo saaxibtinimada aan u heyno ha
nagula dhaqmo”ayuu yiri Mowliid Macaani
Maxamuud.
Wuxuu intaas ku daray Mowliid Macaani in ay
Dadka Soomaaliyeed kala garanayaan qofkii
wax u qabtay iyo qofkii dhibaato u geystay,
“Soomaaliya waa maro jeex-jeexantay oo
kaliya sidaas darteed waxaan beesha caalamka
ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso sidii
aan maradaas u tolan lahayn oo aan maro uga
soo saari lahayn”ayuu hadalkiisa ku sii
daray Mowliid Macaani Maxamuud. |