|

29/10/2008
- Shirkii Madaxda IGAD iyo Dowladda
Federaalka ayaa goor dhow la soo gaba
gabeeyay kadib shir saacado qaatay oo
Madaxweynayaasha IGAD la qaateen Hey'adaha
Dowladda Federaaliga, iyadoona Madaxda IGAD
ay qudbado xasaasi ah ka jeediyeen.
Xarunta KICC oo uu ka socday Shirka IGAD
ayaa waxaa fadhiyay Madaxweynaha Kenya Mwai
KIbaki, Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles
Zenawi oo shir gudoonka haaya, Madaxweynaha
Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle,
Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, Wakiil
ka socda Dowladda Sudan , madaxweynaha
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Xildhibaanada Baarlamaanka.
Sidoo kale Madasha Shirka waxaa joogay
Wakiilka Qaramada midoobey ee Somalia Axmed
Walad Cabdala, Jendayi Frazer Haweeneyda
Arrimaha Dibeda mareykanka u qaabilsan
Afrika, waxaa kaloo goobta fadhiyay Wafdi ay
hogaaminayeen isbaheysiga Dib u Xoreynta oo
uu ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed
iyo Shariif Xasan.
Madaxda IGAD oo kulanka si guud uga hadlay
ayaa sheegay in Dowladda ay fashishay,
horumarna aanay jirin, waxaana ay soo
saareen Go'aamo dhowr ah, waxaana ay Madaxda
IGAD sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in
la qaado Tallaabo Deg deg ah. iyagoona
sheegay in Dowlad Midnimo qaran ah la dhiso,
taasoo ku saleysan bey yiraahdeen qaraarkii
Baarlamaanka 11-kii October.
Go'aamada waxaa kaloo lagu sheegay in 10-ka
Bishan November la dhiso Gudi isku dhaf ah
oo dhinaca Ammaanka oo ka kala socda
Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u
Xoreynta, iyadoo laga ambaqaadayo Heshiiskii
Jabuuti.
Sidoo kale waxaa go'aanada oo ahaa 20 qodob
ka mid ah in Lix bilood gudahood lagu
sameeyo Dastuur uu dalka yeesho, 15-cisho
gudahood la dhiso Maamulka Gobolka Banaadir
, waxaa kaloo la leeyahay in Mar kasta IGAD
ay la socoto go'aamada wixii hormaray, isla
markaana Lixdii bilood ay eegto waxyaabaha
shirka ka soo baxay.
Madaxda IGAD ayaa ku wargeliyay inay
fulinayaan go'aamadan, iyagoo intaa ku daray
in baarlamaanka uu go'aan ka gaaro
waxyaabaha ka soo baxa shirka, iyadoona ay
sheegeen in dalka ay ku noqdaan.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa qodobada ka
soo baxay waxaa lagu sheegay in 10-ka bilood
Dowladda horay ugu sii socoto, isla markaana
ay qaladaadkeeda ay saxdo sida ay yiraahdeen
Madaxda IGAD.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in
shirka goor dhow la soo gaba gabeeyay, isla
markaana Madaxdii IGAD ay shirka ka baxeen,
waxaana la filayaa in galabta ay mar kale
isugu yimaadeen Baarlamaanka iyo Shir
gudoonka IGAD, si loo sii ambaqaado dooda.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ah kuwo ku
baaqaya in Dowladda dhamaanteed ay
fashilantay, isla markaana ay waxba qaban
weyday, waxaana ay yihiin kuwo soo jeediyaya
in hogaanka la badalo, hase ahaate Dowladaha
IGAD ayaa sheegay in Baarlamaanka uu dib
isugula laabto, isla markaana uu gaaro
go'aanka.
Lama oga sida xaalku noqon doono, iyadoo ay
adag tahay Sida Dowladda Federaalka
dhexdeeda ugu shaqeyso Gudaha soomaaliya,
maadaama IGAD aanay go'aan rasmi ah ka
qaadan jiritaanka Dowladda oo ah in ay
badalaan, bacdamaa ay sheegeen in Dowladda
ay fashilantay. |