|

29/10/2008 - Urur gobaleedka IGAD, oo
muddo labo maaalmood aah Kulan khaas ah ku
lahaa Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi,
ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta soo
gebagebeeyeen Shirkooda oo loog hadlay
Aayaha Dowladda Federalka iyo Heshiiska
Nabadda ee ay DFKMGS iyo Isbahaysiga ARS
dhawaan ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti.
War-murtiyeed wadajir ah oo ay
Hoggaamiyayaasha dalalka Kenya, Uganda,
Jabuuti, Sudan iyo Ethiopia iyo xubnaha kale
ee Urur-gobaleedka IGAD ka soo saareen
gebagebaynta shirkaasi, ayaa waxay ku
taageereen Heshiiska Nabadda ee Jabuuti,
waxayna ugu baaqeen Hoggaamiyayaasha
Soomaalida inay muddo 15-maalmood ah ku soo
dhisaan Dowlad cusub oo lagu salaynayo
Qaraarkii ay Mudanayaasha Barlamaanka
Federalka Somalia soo saareen bishan Okt.
11-da.
Bayaanka ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD
ka soo saareen gebagebadda Shirkoodii
caadiga ee 13-aad ee ka dhacay magaalladda
Nairobi, waxay kala yihiin:-
1· In la dhiso dawlad Federal ah oo loo dhan
yahay, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka
Awood-qeybsiga ee 4.5
2· In la bilaabo diyaarinta mudo gaaban
dastuurkii lagu balamay
· In mudo 15 maalmood ah lagu dhiso maamulka
Gobolka Banaadir.
3· In Baarlamanka uu ka wada shaqeeyo, isla
markaana dalka gudihiisa ay ku laabtaan
wixii ay qabtaan ay la socdaan urur
Goboleedka IGAD.
4· In wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD
ay madaxdoodu shiraan lixdii biloodba
mar,iyagoo ka shiraya xaalada Soomaaliya,
isla markaana labadii bilood kala qaadanaya
warbixino ku aadan xaalada Soomaaliya.
5· In hadii loo baahdo waqti lagu dari karo
xukuumada iminka jirta.
6· In ay si buuxda u cadahay in dawlada
federaalka ay ku fashilantey waxyaabo badan
oo looga fadhiyey
7· In la sii wado arimaha dib u heshiisiinta,
isla markaana laga shaqeeyo sidii dhinacyada
ka maqan nidaamka dawlada lagu soo daro.
Dhinaca kale, Ra'isul-wasaaraha dalka
Ethiopia, Meles Zenawi oo shir-guddoomiyey
Kulankii Hoggaamiyayaasha dalalka IGAD, ayaa
waxa uu sheegay inaysan wax Dowlad KMG ah ka
jirin dalka Somalia, waa sida uu hadalka u
yiri, wuxuuna hadalkiisa ku soo beeegmay
dhowr maalmood kadib, markii ay DFKMGS iyo
Isbahaysiga ARS heshiiska Nabadeed ku soo
saxiixdeen dalka Jabuuti.
Kulanka Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD ugu
soo gebageboobay magaalladda Nairobi, waxaa
ka soo qeyb galay Madaxweynayaasha dalalka
Kenya, Somalia, Ugandha, Sudan, Ra\'isul-wasaaraha
Ethiopia, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud
ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia,
Axmedu Walad Cabdalla, Kaaliyaha Xoghayaha
Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu
qaabilsan Qaaradda Afrika, Jendayi Frazer
iyo xubno kale. |