|
29 Oct
2007 Baydhabo - Ra'iisul Wasaaraha
Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa
daqiiqado ka hor ka soo degay Magaalada
Baydhabo, kadib socdaal shan cisho qaatay oo
uu ku joogay Magaalada Baydhabo.
Soo laabashada Geeddi ayaa ku soo aadeysa,
xilli rabshado ay ka soo cusboonaadeen
Magaalada Muqdisho kaasoo galay maalinti
3aad.
Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo
ayaa sheegaya in haatan Ra'iisul Wasaaruhu
uu ku sugan yahay Madaxtooyada Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf, iyadoona kulan albaabada u xiran
yahay ay leeyihiin.
Ma cada in Ra'iisul Wasaaruhu istiqaaladiisa
u gudbinayo iyo in kale, waxaase la isla
dhex marayaa in Ra'iisul Wasaare Geeddi in
maanta ka fariisanyo shaqadiisa Ra'iisul
wasaarenimo oo uu iska casilayo, kadib
cadaadis xoogan oo la saaray
|