|
29 Oct
2007 Muqdisho - Qaraxyo loo adeegsanayo
Bambaanooyinka gacanta laga gano iyo
tacshiirado ayaa ka socda Wadada 1aad ee
Suuqa Bakaaraha.
Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa
Ethiopian oo saaka gudaha usoo galay Suuqa
Bakaaraha ayaa lagu soo waramayaa in iska
caabin xoogan lagala horyimid.
Qarax Bam oo xigay dhawaaqa rasaasta ka
dhacda qoriga lidka Diyaaradaha ayaa laga
maqlayaa wadada koowaad ee Suuqa Bkaaraha,
iyadoo sidoo kalena rasaas goos goos ah ka
dhacaysa gudaha suuqa.
Ilaa iyo hadda lama oga dhimashada iyo dadka
ku dhaawacmay Rasaas goos gooska ah oo
maalintii 3aad ka socda Magaalada Muqdisho
gaar ahaan kuwa saaka ka dhacaya wadada 1aad
ee suuqa Bakaaraha. |