Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

War DEG DEG AH: Cali Geeddi oo isaga degay Xilka Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada Soomaaliya.

 

29 Oct 2007 Baydhabo - War deg deg ah oo hada naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii Xafiiska Ra'iisul wasaarenimo isaga degay Cali Maxamed Geeddi.

Xiriir ay shabakada Xamardaye.com la sameysay Dad ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay in daqiiqado ka hor uu Ra'iisul Wasaare Geeddi uu gudbiyay istiqaalo uu ku wareejinayo Xafiiska Ra'iisul wasaare.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka gudoomay istiqaalada uu isku casilay Cali Maxamed Geeddi.

Markii uu Prof. Geeddi uu gudbiyay istaqaaladiisa ayaa isaga soo tagay Xarunta Madaxtooyada oo kulan saacado qaatay uu kula yeeshay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna Cali Geeddi usoo dhaq dhaqaaqay dhinaca iyo Guriga uu Baydhabo ka degan yahay.

Ilaa iyo hada wax war ah ma uusan siin saxaafada oo ku aadan is casilaadiisii la hadal hayay maalmahan, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu saxaafada la hadlo
 

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse