|
29
Oct 2007 Baydhabo - Xarunta xanaaneynta
Agoonta Al-Nahreyn ee degmada Afgooye oo ay
ku jiraan in ka badan arday gaareysa 215
arday oo agoon ah isuguna jira gabdho iyo
wiilal, iaydoo xaruntaas la furay sandkii
2002-da ayaa la liiceysaa duruuf dhaqaale,
kadib markii ay wax kaalmo ah ka weysay
Hey'adaha sanmafalka iyo jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa,
marka laga reebo Xasan Yuusuf Absuge iyo
Xuseen Maxamed Xasan oo ku Nool dalka
Denmark.
Duruufahaan Dhaqaalaha ee heysta waxaa ka
mid ah in ay heysan ardaydaas agoonta ah
Cunto ku filan, agab waxbarasho, Dhismaha
xarunta oo ciriiri ku ah ardaydaas, sidoo
kale ma heystaan goob caafimaad iyo meel ay
ku ciyaaraan oo ay ku nastaan, waxeyna wax
ku cunaan fasalada ay wax ku bartaan
dhexdooda oo ka kooban ilaa iyo 7-fasal,
islamarkaanm waxey ku dukadaan ardayadaas
fasaladooda.
Maamulka
xarunta agoonta Al-Nahreyn Mukhtaar Abuukar
Maxamed [Bookow] ayaa u sheegay saxaafadda
in uu ka codsanaayo Hey'adaha samafalka,
Jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibadaha ku
dhaqan iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay
kaalmo la soo gaaraan xaruntaas oo ay ku
dhibaateysan yihiin agoon soomaaliyeed oo u
baahan in wax la taro.
Sidoo kale waxa uu maamulka xarunta agoonta
Al-Nahreyn sheegay in macalimiinta ka
howlgasha xaruntaas oo gaaraya 15-macalin ay
qaarkood ku shaqeeyaan si mutawacnimo ah,
diyaarna u yihiin inay inay aqoontooda u
huraan ardaydaan agoonta ah, hase ahaatee
dhibaatooyinka dhaqaale ee soo foodsaaray
xanaaneynta ardaydaan agoonta ah ay dhici
karto inay wiiqanto sii wadida xanaaneynta
agoontaas iyo waxbarashadooda .
Hadaba Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo
ganacsatada Muxsiniinta ah qofkii doonaya
inuu wax taro Caruurtaas Agoonta ah, waxaa
uu la soo xiriiri kartaa:
Emailka:
alnahreyn@gmail.com,
Bookoow@gmail.com, Bookoow@hotmail.com
Tel:9889977,342909, ama 002521-663526
 
 
  |