|
28 Oct
2007 Baydhabo - Wararka ka imaanaya
Magaalada Baydhabo ayaa waxay ay sheegayaan
in Miino aan qarxin laga soo hoos bixiyay
agagaarka Guriga Gudoomiyaha Baarlamaanka ee
Magaalada Baydhabo.
Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa
la sheegay in dhulka hoostiisa lagu qariyay
Miino la doonayay in lagu bartilaameedsado
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan
Madoobe.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay
Ibraahim Xaashi Gaabow ayaa sheegay in
Miinada dhulka hoostiisa lagu aasay oo aheyd
kuwa la hago ee Remote Ctrl la dhigay inta u
dhexeysa Daarta Gudoomiyaha Baarlamanka iyo
xarunta hey'adda Bisha Cas, isagoona
tibaaxay in si nabdoon ay usoo saareen
Ciidamada Booliska
Ciidamada Booliska ayaa lagu soo wargeliyay
in miino ay ku aasan tahay goobtaasi
iyagoona durbadiiba gaaray isla markaana u
kaashaday khubaro dhinaca Miinooyinka si loo
kala fur furo.
Xaaladda amaan ee magaalada Baydhabo ayaan
la isku haleyn kareyn xilligan oo ay
qalalaaso siyaasadeed ka oogan yihiin
Magaalada Baydhabo oo ay ammaankeeda la
sheegayo in ay gacanta ku hayaan Ciidamada
Ethiopianka. |