|
28 Oct
2007 La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca
Arrimaha Dibada Dr. C/risaaq Aadan ayaa
daboolka ka qaaday in Ra'iisul Wasaare
Geeddi uu maanta iclaamin doono is
casilaadiisa, marka uu Baydhabo ku soo
laabto.
Isagoo u waramayay Jariirada afka dheer ee
Sharqul Awsad waxa uu Dr, C/risaaq tilmaamay
in Ra'iisul Wasaaraha uu qadka taleefanka
kula soo xiriiray Madaxweynaha, taasoo uu ku
sheegay inuu is casilayo marka uu Baydhabo
soo gaaro.
"Ra'iisul Wasaaraha markuu Baydhabo yimaado
ayuu iclaamin doonaa is casilaadiisa"ayuu
yiri Dr. C/risaaq oo wareysi siinayay
Jariirada Sharqul Awsad ee ka soo baxda
Magaalada London.
Mas'uulkan ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha
ayaa ah mas'uulkii u horeeyay ee daaha ka
rogay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali
Maxamed Geeddi inuu is casilayo, taasoo
noqotay hadal heynta ugu badan Magaalada
Baydhabo.
Dhanka Kale Mas'uuliyiin kale oo ku dhow
dhow Madaxweyne Yuusuf ayaa iyaguna sheegaya
in Tallaabada uu Geeddi isku casilayo ay ka
dambeyso, kadib cadaadis xoogan oo uga yimid
Madaxda Ethiopia iyo Beesha Caalamka. |