Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Dagaalkii ugu cuslaa 4-bil kadib oo saaka ka qarxay Meelo fara badan oo Muqdisho ah ( tirada dhimashada oo sii kordheysa)

 

28 Oct 2007 Muqdisho - Xaalada Guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay shalay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay ayaa xalay iyo saakay ku waabariistay degenaansho, kadib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Ma jirin iska hor imaadyo iyo weeraro lagu qaaday Fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo shalay dagaal ba'an ay kala
horyimaadeen kooxaha hubeysan, kaasoo qasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa taageeraya ee Ethiopia.

Xaalada Magaalada ayaa u muuqata degenaansho, balse waxaa jirta saan saan laga cabsi qabo in ay dib u bilowdaan Dagaalo qaraar oo daba socda kuwii shalay iyo habeen hore Magaalada ka curtay
Waxaa saaka aanu jirin isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoona qeybo ka mid ah Magaalada ay ka socdaan barakac xoogan, waxaase wali muuqanaya raadadkii dagaaladii shalay.

Xaalada Degmada Hodan oo dagaalka ba'an uu ka dhacay ayaa ah mid degan, iyadoo inta badan wadooyinka soo gala Xaafadaha Degmadaas ay haawanayaan.

Waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo fariisimaha Ciidamada Ethiopia, kuwaasoo dhufeyso xoogan ku jira, hadana ma jirto dhaq dhaqaaq kale oo ay fariisimahooda ama dhufeysayadooda uga soo baxayaan.

Dadka Deegaanka ayaa shalay sheegay in Ciidamada Ethiopia ay dad fara badan ku xasuuqeen Xaafada Cali Kamiin, kadib markii qasaaro lagu gaarsiiyay dagaal ay la galeen Kooxaha ka soo horjeeda.

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse