|
28
Oct 2007 Banaan bax rabshado wata oo taayaro
lagu gubayo ayaa iminka ka soconaya qeybo ka
mid ah Wadada 30-ka oo ah halkii shalay ay
ka dhaceen dagaalada qaraar.
Dadweyne fara badan oo aad u careysay ayaa
taayaro ku gubaya wadadaas, kuwaasoo ka soo
horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee
Muqdisho oo shalay dad fara badan oo rayid
ah ay ku xasuuqeen.
Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqaya halku
dhigyo ka dhan ah Ethiopia iyo Xukuumada
Soomaaliya, iyadoo dadka dibaxayana ay isugu
jiraan, haween caruur iyo dhalinyaro fara
badan
Lama oga sida uu dibad baxa uu saameyn ugu
yeelan karo xaaladaha saaka ee Muqdisho.
Waa dibad bixii 2aad oo mudo 24 saac
gudahooda ka dhaca Muqdisho ka dhaca, kaasoo
ka dhan ah Tacadiyada ay Ciidamada Ethiopia
u geysanayaan dadka rayidka ah,
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco
wararkeena Dambe |