Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Afhayeenka Xafiiska R'iisul Wasaaraha C/llaahi Codka oo si kulul uga jawaabay wararka sheegaya in Ra'iisul Wasaare Geeddi uu is casilayo.

 

28 Oct 2007 - Afhayeenka Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha C/llaahi Codka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Mas'uul ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, kaasi oo sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha uu is casilayo.

C/llaahi Codka ayaa sheegay in hadalada noocaas oo kale ah ay yihiin dacaayado raqiis ah oo taageerayaasha Madaxweynaha ay faafinayaan sida uu hadalka u yiri, waxaase uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu is casilayo.

"Hadiiba Mas'uul ka tirsan Dowladda is casilayo ma jirto cid uga haboon Madaxweynaha oo la og yahay in xaaladiisa caafimaad ay liidato"ayuu yiri Mr Codka oo u jawaabayay Hadalka La Taliyaha Madaxweynaha C/risaq Aadan.

Waxa uu cadeeyay Codka in Ra'iisul Wasaaruhu uusan is casileyn, xataa hadii Beesha caalamka ka codsato inuu is casilo, isagoo ku tilmaamay in arrimahaas uu yahay mid go'aan ah oo iskiis u qaadan karo Ra'iisul Wasaare, balse waxa uu meesha ka saaray hadalada ah in lagu cadaadinayo inuu is casilo.

Mr Codka ayaa intaa ku daraya in haatan aysan jirin awood uu Madaxweynaha wax ku maareeyo, isagoo xusay in aysan u suura galeyn inuu sii hayo Xilka Madaxweynimada

Hadalada iska soo horjeeda ee ka soo yeeraya Mas'uuliyiinta ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa muujinaya khilaafaadka xoogan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha

 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse