|

27/10/2008 - Kulankan oo ay si
wadajir ah u soo agaasimeen Midowga
Dhallinyarada Soomaalida Sweden (SSUF) &
Scansom Publishers oo ka socday magaalada
Stockholm ee waddanka Sweden labadii
maalmood ee la soo dhaafay, islamarkaasna ay
ka qayb gelayeen qaybaha bulshada Soomaalida
ayaa la soo gabagabeeyey galabnimadii Axadii.

Kulankan oo lagu soo bandhigay wax ka badan
170 buug oo ku qoran af-Soomaali, isuguna
jira taariikh, suugaan iyo cilmi, ayaa waxa
hadalo ka soo jeediyey qorayaal, suugaanley
iyo dad khibrad u leh dhaqanka iyo
taariikhda Soomaalida.
Qorayaasha iyo suugaanleyda hadalada ka
jeediyey madashaas waxa ka mid ahaa: Axmed
Faarax Cali Idaajaa (Kenya), Khaalid Cali
Guul (Denmar), C/Fitaax C/Laahi Gacmadheere
(Italy), C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
(UK), Saciid Cali Shire (UK), Axmed Sabriye
Gaabow (Sweden), Cabdi Bashiir (Sweden),
Yusuf Xassan (Sweden), Maxamed-Deeq Cabdi
Madar (Sweden),


Waxa kale oo goobtaas hadalo ka soo jeediyey
dad kale oo aqoon iyo waayaragnimo u leh
dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida. Dadkaas
waxa ka mid ahaa: Suzanne Muddle (Deggan) oo
Af-Soomaaliga ka dhigta Jaamicada Gothenborg;
Karin Sohlgren oo la taliye ka ah wasaarada
waxbarashada iyo barbaarinta ee Swedan; iyo
Faadumo Cismaan oo cilmibaare ka ah
jaamacadda magaalada Goteborg ee dalka
Sweden.




Suugaanyahanadii dadku hadaladooda ku
diirsadeen waxa ka mid ahaa Axmed Faarax
Cali (Idaajaa) iyo Khaalid Cali Guul.
Idaajaa wuxuu wax ka taabtay minguurka ku
yimid af-Soomaaliga iyo sidii xal loogu heli
lahaa.
Waxaana gebagabadii kulankii labadii
maalmood ee tagtay hadallo qiimo badan
agaasimaha ururka dhallinyarada Soomaalida
Sweden Axmed Xassan wuxuuna u mahadceliyay
dhammaan dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi.




 |