|
27
Oct 2007 Muqdisho - Maxamed Dheere oo kulan
la qaatay Gudoomiyeyaasha Laamaha Xaafada
Gobolka Banaadir ayaa ka sheegay in maanta
laga bilaabo uu hakad uu geliyay howlihii
shaqo ee Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka.
"Maanta laga bilaabo Howlihii
Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir,
hakad ayaa geliyay, waxaana farayaa
Gudoomiyeyaasha Laamaha Xaafadaha Muqdisho
in ay sii shaqeeyaan"ayuu yiri Maxamed
Dheere oo ka muuqatay caro weyn.
Waxa uuu ku eedeeyay Gudoomiyeyaasha
Degmooyinka Gobolka gudasha la'aanta
Waajibaadkooda oo intii ay shaqeynayeen la
sheegay in falal ammaan daro iyo rabshado ay
ka soo cusboonaadeen Deegaanadii ay
maamulayeen.
Maxamed Dheere ayaa tilmaamay inuu
tijaabinayo bal sida ay wax iska bedelaan
xaaladaha ka jira Deegaanada ay ka
talinayaan, isagoo dhanka kale xusay inuu
howl gelinayo Gudoomiyeyaasha Laamaha
Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in ay sii shaqeyn doonaan
madaxda laamaha degmooyinka oo uu ku amray
in guddoomiye kasto laantiisa uu soo diwaan
galiyo guryaha ku yaala iyo dadka iska leh.
Tallaabada Maxamed Dheere uu howlaha uga
joojiyay Gudoomiyaha Degmooyinka Gobolka
ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay sii
kordhayaan Rabshadaha, iska hor imaadyada
iyo ugaarsiga lagu hayo Gudoomiyeyaasha
Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir. |