|
27 Oct
2007 Jowhar - Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha
Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa amar ku
bixiyay in la dilo Cidii lagu arko hub ee
diida in ay ku soo wareejiso gacanta
Booliska.
Amarka ka soo baxay Gudoomiye Deelle ayaa ka
dambeeyay kadib markii ay bateen amni xumada
ka jirtay gudaha iyo daafaha Magaalada
Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo
maalmihii la soo dhaafay si aad ah looga
dareemayay Nabad gelyo xumida ka jirta
Xaafadaha Degamada Jowhar .
Mr Deelle ayaa sheegay in loo baahan yahay
in la sugo ammaanka Shacabka cidii lagu arko
Hub sida Tooreey Bostoolad Ama Qoray la
dilayo hadii ay ka dhaga adeegto in ay ku
wareejiso gacanta Booliska.
Labo habeen ka hor ayay aheyd markii Xaafada
Horseed ee Magaalada Jowhar lagu dilay Wiil
dhalinyaro ah oo ganacsato ahaa mar uu ka
dhaga adeegay inuu dhiibo Telefonka gacan
qadka ee Mopilka loo yaqaan, kaasoo ay
toogteen kooxo hubeysan oo gudaha ugu soo
galay mehradiisa ganacsi.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah uga
socday falalka Dhaca ee loo geysto dadka
sita Mobilka gacan qaadka ah kuwaasi oo
xitaa looga qaadanayay Goobaha aan ka fogeyn
halka looga arimiyo Maamulka Gobolka iskaba
daaye Xaafadaha dhexdooda.
Ciidamada Maamulka ayaa durba Magaalada ka
bilaabay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku
sugayaan Ammniga, iyadoona la arkayay
Ciidamo gaaf wareegaya Magaalada oo idil,
kuwaasoo wada baaritaano.
Dad dhalinyaro ah ayaa lagu soo qab qabtay
Howl gallo ay xalay iyo saaka ka sameeyeen
Ciidamada Maamulka, kuwaasoo xabsiga la
dhigay
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa
keenay in xilligan in si caadi ah Dadka
loogu dilo looguna dhaco Gudaha Magaalada
Jowhar ama hareeraheeda, waxaana ujeedka
weyn ee ka dambeysa la sheegayaa in ay tahay
khilaafka iyo is qab qabsiga ka dhex taagan
maamulka Degmada iyo kan Gobolkaba.
|