|
25/11/2008
- Dowladda Federalka KMGS ayaa ku
eedeeysay Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda
inay ka dambeeyeen falkii lagu afduubtay
Markabka Booyadlaha Shidaalka ee laga
leeyahay dalka Sacuudiga, xilli la
hadal-hayo in Markabkaasi la sii dayn doono
maalmaha soo socda.
Mas'uul u hadlay Madaxweynaha DFKMGS, Kornel
C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hadalkaasi ku
sheegay Wareysi maaanta lagu soo daabacay
Wargeyska "Cukaad" ee ka soo baxa daalka
Sacuudiga, wuxuuna xusay inay Kooxaha
Mucaaradka ku ah DFKMGS maleegeen qorshihii
lagu afduubtay Markabka Booyadlaha Shidaalka
ee Sacuudiga " Sirius Star ", kaasi oo waday
labo million oo Barmiil.
Mas\'uulkaasi oo isagoo ku sugan magaalladda
Nairobi ugu waramayey Wargeyska Cukaad, ayaa
tilmaaamay inay dabagal ku hayaan
Markabkaasi, isla markaana lagu rajo weyn
yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo
daayo, waa sida uu hadalka u yiri Mas\'uulkaasi
Gacan-yaraha u ah Madaxweyne Yuusuf.
\"Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu
khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha
Maamul-gobaleedka Puntland, Jeneral Cadde
Muuse iyo Isimadda Beelaha degta Bariga
Somalia, si Wada-xaajood loola furo
Afduubayaasha haysata Markabkaasi oo la
rumeysan yahay in lagu haysto Xeebta
Degmadda Xarardheere, inkastoo ay wararka
qaarkood sheegayaan inuu Markabka u
shiraacday Xeebta Degmadda Hobyo oo 100-Km u
jirta Degmadda Xarardheere.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay
Burcad-baddeeda oo lagu magacaabo Maxamed
Saciid oo khadka Telefoonka ugu waramay
Wargeyska Cukaad ee laga leeeyahay dalka
Sacuudiga ayaa ku nuuxnuuxsaday inay
dabayaaqadda Toddobaadkan sii dayn doonaan
Markabka Booyadlaha ee \" Sirius Star \",
wuxuuna beeniyey inay codsadeen lacag
madax-furasho dhan 25-million oo Dollar.
Hadal ka soo baxay Milkiilayaasha
Markabkaasi, ayaa lagu sheegay inuu meel
xasaasi ah marayo wada-xaajoodka ay la
leeyihiin Burcad-baddeeda, laguna wado inay
bixiyaan lacag madax-furasho aan ka badnayn
ilaa saddex Million oo Dollar. |