|
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Wuxuu
waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka & Dugsiyada
Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay magaalada
Muqdisho.
Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna
sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka
hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo
sanadkii 1944tii.
Sanadkii 1946dii wuxuu ka mid noqday xubnihii
maamulka ee Xisbigaasi, waxaa loo doortay in uu
noqdo xoghayaha xisbigaasi ee degmada Baladweyne.
Wuxuu sanadkii 1951dii noqday maamulihii gobolka
Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa
xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii
1953dii.
Sanadkii 1953dii waxaa loo doortay in uu noqdo ku
xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay
Territorial Council, sidoo kale 1954tii waxaa
loo doortay Guddoomiyihii Xisbiga Leegada
xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii
Febraayo 1956dii.
Bishii Maajo Sanadkii 1958dii waxaa loo doortay mar
kale xilka ugu sarreeya ee Xisbigii Leegada iyo
guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali
Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa
1dii bishii July sanadkii 1960kii.
Sanadkii 1956dii waxaa Golihii lagu magacaabi jirey
Territorial Council waxaa lagu badalay
Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu
noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo
doortay magaalada Baledweyn ee dalka
Soomaaliya doorashooyinkii dhacay, doorashadaasi
ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo
Guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.
Sanadkii 1959kii doorashooyin guud oo dalka ka
dhacay waxaa loo mar kale xubin, iyo in uu noqdo
Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Koofurta dalka
Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa Golihii
sharci dejinta uu noqdo Constituent Assembly.
Tanina waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii
ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda
Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii
gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
1dii bishii Luulyo sanadkii 1960kii.
Golihii Baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay
Soomaaliya yeelato wuxuu u doortay in uu noqdo muddo
hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa
in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu
dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.
Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”
wuxuu ku hadlaa afafka Talyaaniga, Ingiriiska,
Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay
sanadkii 1967dii waxaa looga adkaaday
doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku
wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u
naxariistee C/rashiid Cali Sharmaarke, bishii
June isla sanadkaas.
Sida uu qorayo sharciga Jamhuuriyadda Soomaaliya,
madaxweyne kasta oo ay yeelato Soomaaliya , wuxuu
inta ka dhiman nolashiisa ahaanayaa xubin ka tirsan
baarlamaanka, hadda waa Somali Statesman
isku dayaya in uu wax ka qabto nabadgalyada dalkiisa,
ka dib dagaalladii dhacay, waana madaxweynaha ugu
cimriga dheer madaxweynayaashii soo marey adduunka.
Madaxweyne
Aadan cabdulle Cusmaan wuxuu bishii Juun
sanadka 2007da 8deedii ku geeriyooday magaalada
nairbi ee dalka Kenya.
Aadan cabdulle Cusmaan waxaa lagu aasay
magaalada Muqdisho 11kii bishii Juun isla
sanadkan.
Aasakiisana waxaa si wadajir ah uga soo qeybgalay
madaxweynaha dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf
Axmed oo ay la socdeen madaxweynihii dowladdii
Carte C/qaasim Salaad Xassan & madaxweynihii
isaga ka horreeyay ee Cali Mahdi Max'ed.
Geeridiisa ka dib waxaa looga magacdaray GAROONKA
DIYAARADAHA EE MUQDISHO.
"Aden Adde International Airport of Mogadishu".
Insha Qoraalkan :
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
Codsi: Waxaan ka codsaneynaa ruuxii haya wax
intaas ka badan in uu noo soo gudbiyo. fadlan nala
soo xiriir.
Mahadsanidiin.
|