|
21/11/2008
- C/laahi yuusuf Axmad madaxweynaha
Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay inuu
ka horyimid shirka dib u heshiisiinta
kooxaha Soomaaliya ay ku leeyihiin Dalka
Jabuuti, wuxuuna warar been ah ku tilmaamay
inuu soo jeediyay in shirka dib u
heshiisiinta ee u dhexeeya dowladda iyo
mucaaradka laga wareejiyo Djibouti, loona
weeciyo dalka Liibiya.
Madaxweynaha oo u waramayay isagoo ku sugan
Magaalada Nairobi idaacadda BBC-da ayaa waxa
uu ku sheegay in Baarlamaanka KMG ee Somalia
aanu dastuur ahaan xaq u lahayn in Ra'iisul
wasaaruhu marsiiyo gole aynan heshiis ku
ahayn Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Madaxweynuhu wuxuu ugu horey si weyn u
muujiyey in ay dalka jirto dawlad wuxuuna
sheegay inay jirto waxa la yiraahdo Dawlada
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya taasi oo uu
sheegay in ay tahay in uu dhisan yahay
Madaxweynihii, Baarlamankii iyo Golihii
Garsoorka, waxaase uu muujiyey inaanay jirin
gole xukuumadeed oo la isku khilaafay in la
dhiso Golaha Wasiirada.
“Baarlamanku xaq uma laha mana ansixin
karaan umana laha sharci iyo xaq inay
ansixiyaan gole wasiiro oo aan la isku
raacsaneyn” ayuu ku yiri Madaxweynuhu
wareysi uu maanta siiyey Idaacada BBC-da,
isagoo dhanka kale gaashaanka ku dhiftay
inaanu mad madow kala dhaxayn Dowlada
Itoobiya.
C/laahi Yuusuf mar uu ka hadlayey arimaha
dagaalada, xabad joojinta iyo ciidamada
Itoobiyaanka ee la filayey inay baxaan ayuu
wuxuu sheegay in ay muhiim tahay heshiiyadii
dhexmarey dawlada iyo mucaaradka, waxaase uu
sheegay in ay tahay wax laga xumaado wali
dagaalo ay sii socdaa, isagoo tilmaamay in
ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka goobaha
ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho ay
ku baaqatey dagaalada ay wadaan kooxaha
hubaysan, wuxuuna sheegay inaanay aheyn wax
isleh in qolo ay fuliso heshiiskii qolada
kalena ay dagaal wado.
“Ciidamada Itoobiya waa dal aan walaalo
nahay, oo aan darisna nahay, waa dad
ciyaalkoodii ay ku le’deen Soomaaliya,
walina diyaar u ah inay na taageeraan isla
markaana ay dhiig u daadinayaan
taageeradeena ay wali u diyaar yihiin, marka
ma jirto wax xumaan ah oo inaga dhaxayso”
ayuu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo
dhanka kale sheegay inuusan u jawaabayn
Ra’iisul wasaare Nuur Cadde hadalkii ka soo
yeeray ee ahaa Caqabad ayuu ku yhay
Madaxweynha Nabadda Soomaaliya. |