|
21/11/2008
- Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed
Xasan Cadoow (Daaci) ayaa sheegay in ragani
ay ka wada tirsan yihiin kooxaha kala ah
Alshabaab, Jabhada Islaamiga iyo kooxda
Raaskambooni sida uu hadalka u dhigay, isaga
oo tibaaxay in taasi ay ku xaqiijin karaan
kooxahaasi oo iyaga la soo xiriiray isla
markaana weydiistay meydadka sida uu hadalka
u dhigay.
"Waxaan heynaa telefoonadooda waxaan ognahay
halka ay ka yimaadeen waxaana jira dad nala
soo xiriiray"ayuu yiri Axmed Daaci.
dhinac kale Afhayeenka Booliska Dowladda
Federaalka C/llaahi Xasan Bariise oo isna
qeyb ka ahaa shirka jaraa'id ee ay ku
qabteen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in
ay awalba ka war hayeen kooxaha weerarka ku
soo qaaday halka ay ka imaanayaan, taasina
ay u sahashay in ay ka guuleystaan.
Si kastaba Waa tiradii ugu badneyd oo meydad
ah oo ay ciidamada Booliska Dowladda usoo
bandhigaan saxaafada kuwaas oo ay ku
sheegeen in ay yihiin xoogaga hubeysan ee
kasoo horjeeda Dowladda Federaalka. |