|
21/11/2008
- Ilo wareed muhiim ah oo shabakada
Xamardaye ay ka helyso xafiiska Ra'isal
Wasaaraha ayaa waxeey ku waramayaan in
saacadaha soo socdaa uu magacaabi doono
maamulka Gobolka Banaadir, ka dib markii
maalinimadii shalay ay suurtoobi weyday in
xarunta Gobolka Banaadir uu si xoog ah kula
wareego Wasiirkii hore ee Warfaafinta iyo
Isboortiga isla markaasna ahaa
Ra'isulwasaaraha 3aad ee Dowlada Federalka
Soomalia Md Axmed C/salaan iyo Maleeshiyaad
uu hogaaminayey.
Shir xalay ka dhacay aqalka Ra'isulwasaraha
Soomaalia Md nuur Xassan Xussen "Nuur
Cade"ayna isugu yimaadeen taageerayaasha
Ra'isulwasaaraha ayuu Axmed C/salaan ku
wargaliyey Nuur Cade in ay suurtoobi weyday
sida ay wax u rabeen oo aheyd in hab raad
dhumis ah xaflad aad loosoo agaasimay laguna
qaban lahaa xarunta Gobolka Banaadir ay
suurtoobi weyday xaalada adag lagu jirro
darteed, wuxuuna ku adkeeyey in
Ra'isulwasaaraha uu maamulka Gobolka ku
mgacaabo Wareegto.
Kulankaasi laga shiraayey aayaha caasimada
soomaalia oo isla markaana ka dhacay hoyga
Ra'isulwasaare Nuur Cade ayaa waxaa goobjoog
ka ahaa Coll Gabre oo socdaalkii
Raisul-wasaare Nuur Cade uu shalay ku soo
gaaray caasimada Muqdisho ku weheliyey.
Beesha Mudulood ayaa qaadacsan qaabka lo
dhisayo hanaanka G/Banadir oo ah qaabka 4.5. |