Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 
Radio VOA

Voice of America
 
Maxaad ka taqaanaa Taariikha Allaha u naxariistee Halyeeyga Sportiga Somalia Farax Wehliye Cadaw Sendiko oo xalay Qahira ku geeriyooday.

Farah Addo21/11/2008 - Faarax Weheliye Cadow Zendiko oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan Somalia ee gaar ahaan dhanka Sports-ka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Xaafadda 6 October ee Magaaladda Qaahira ka gadaal mar uu safar kaga soo laabtay Dalka Mareykanka.

Faarax Zendiko wuxuu in ka badan rubac qarni maamulayay Ciyaaraha Somalia isagoo ka gaaray heerkii ugu sareeyay ee shaqsi somali ah uu ka gaaro sports caalmka iyo kan somalia.

Farah Zindiko oo sports ku soo dhex jiray in ka badan 45 sano.ayaa laga ganaaxay dhaqdhaqaaqii kubadda cagta dunida muddo 10 sano ah, markii qilaaf xoog leh uu soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha FIFA Sepp Balter walow markii danbe guddoomiyaha FIFA uu cafis u fidiyay Farah Zendiko.

Geerida Zendiko waxaa si aad ah uga naxay dhamaan bahwaynta cayaaraha ee dalkeena ayadoo la ogsoon yahay kaalinta muuqatay ee uu Farah Zendiko ka qaatay horumarinta cayaaraha Somalia.

Taariikhda Zendiko Oo Kooban

Farah Zendiko wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho 1940, yaraantiisii wuxuu jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta, sanadii 1956 wuxuu ka mid noqday kooxda Shangaani ee seria B, isla sanadkaasi wuxuu ku biiray ciyaarta feerka oo xiligaas aad loo jeclaa, 1960 wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda heerka labaad seria B ee Boondheere.

Farah Zendiko wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1962 markii uu jilibka dhaawaca ka soo gaaray, wuxuuna u wareegay dhinaca garsoorka kubada cagta, 1963i ayuu noqday garsoore heerka labaad , halka uu 1967 u dalacay garsoore heerka koowaad , sanadkii 1969 wuxuu noqday garsoore heer caalami ah.

farah Zendiko 1972 kii wuxuu noqday madaxa sports iyo dhalinyarada ee degmada Boondheere .

Sanadkii 1975 kii wuxuu Farah Zendiko noqday gudoomiye ku xigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo xubin gudiga Olympic soomaaliyeed ah, halka 1978 uu ka noqday gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiye ku xigeen gudiga olombikada soomaaliyeed,1978 wuxuu xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA.

Sanadkii 1980 wuxuu Jalle Zendiko xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubada cagta qaarada afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa gudiga fulinta xiriirka kubada ee jaamacada carabta.

Sanadkii 1988 faarax Zendiko wuxuu xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee CAF, wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba xubin gudiga garsoorayaasha kubada cagta ee aduunka FIFA.

Sanadkii 1993 bur burkii dalka ku dhacay kadib wuxuu farah Zendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS

19 Janauray 2000 waxaa loo doortay Zendiko gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee CAF.

Isla sanadkaasi Faraha Zendiko wuxuu noqday gudoomiye ku xigeenka gudiga qaranka ciyaaraha qaarada afrika ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa)

Zendiko wuxuuna ka mid ahaa Musharaxiintii Madaxweynenimadda Somalia ee dowlada C/lahi yusuf lagu soo dhisay kaasoo Cabdulahi Yuusuf Ahmed 10 October 2004 kula tartamay Garoonka caalamiga ah ee Kasarani Complex ee Magaalada Nairobi.

Zendiko wuxuuna kaloo soo noqday Xoghayaha arrimaha dibadda ee Isbaheysigii golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Marxaladihii Zendiko

Sanadkii 1993 bur burkii dalka ku dhacay kadib farah Zendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS

xiligaasi wixii ka danbeeyay GOS waxaa madaxa saartay Farax Sendiko, laakiin qaab aad u xun ayuu kaga baxay saaxada sports aduunka iyo tii somalia markii FIFA ay sheegtay inuu lunsadey lacag faro badan oo loogu talo galey hormarinta ciyaaraha Somalia oo dhan.

Guud ahaan lacagta uu lunsaday Zendiko allaha u naxariistee waxaa lagu qadaray iney dhan tahay $1.5 Million oo meel loo raacdo aysan jirin ilaa iyo hadaan la joogo.

Lacagataasi maqan wuxuu Farah Zendiko u isticmaalay ololihii uu ku doonaayay inuu Madaxweyne somalia kaga noqdo gaar ahaan shirkii ka dhacay Eldoret/Mbaghati kaasoo looga cunay Zendiko lacag gaareysa $500,000 USD.

Sendiko in uu lunsaday Lacag gaareysa $1.5 Million wuxuu cadeyay xiligii uu tka qeybgalayay tartankii Sydney ee ciyaarihii Olympicada ee 2000, xaflad loo qabtey dhamaan ciyaartoydii ayuu meel uga dhacay isagoo weliba sheegey in lacagtaasi $100 kun oo ka mid Boosaaso la geeyay oo farta laga saaray Xasan Abshir si uu ciyaaro halkaasi uga qabto laakiin su'aashu waxey tahay halkey ayeey aaday lacagta inteeda kale ?

Farah weheliye Cadow Zendiko wuxuu ahaa rug cadaa sports oo oo maal iyo magac ka sameeyay sports guud ahaantiisaba laakiin ugu danbeyntii ceeb iyo fool xumo tii ugu xumeyd ayuu kaga baxay.

Odeyga Rug cadaaga ah ayaa wuxuu ifka ka tagay xilli uu doonayay inuu soo laba kacleyo markii xayiraadii FIFA ay sanadkaan ka qaaday, isagoo rajadii ugu horeysan ka helay CAF oo uu hogaamiye u yahay nin ay aad saaxiibo u yihiin kaasoo ku daray mid ka mid ah gudiga hoosaadyada CAF gaar ahaan kan dhalinyarada.

Wuxuu kaloo farah sheegtaa inkastoo aan arintaasi wali la xaqiijin inuu yahay mid ka mid ah madax sharafeedyada CAF taasoo uu ku helay xiligii dheeraa ee uu Gudoomiye ku xigeenka ka soo ahaa CAF.

Farah Zendiko wuxuu ku tagay isagoo sheeganaya inuu yahay gudoomiyaha xiriirka k/cagta somalia markii hoteelka lafweyn ay ku doorteen 23-kii bishii June 2008 13-kooxood oo k/cagta ah.laakiin sidaasi oo ay tahay wali meel uu aqoonsi ugu helay ma jirto jagada beeneedkaasi loo doortay.

Waxaana kuwii doortay laga sugayaa cidii ay ku badalan lahaayeen iyo cida dhaxli doonta xilkii uu ka geeriyooday Zendiko ee aan aqoonsiga loo helin.

Xiliyadii ugu danbeeyay Sendiko wuxuu noqday oday qurbo joog ah oo aan soo dhaafi karin Dalalka Masar Iyo Dubai iyo xiliyada qaar oo uu aadi jiray dalka Mareykanka markii uu isku calaamadeeyay wareysi uu bixiyay.

Odey Zendiko allaha u naxariistee waxaa lagu tiriyo madaxda ugu madax adag qaarada Afrika ee maamul ka soo qabta hayeeshee wuxuu ahaa shaqsi karti badan oo go,aanka uu qaato aysan cidna ka fujin karin waana taasi mid uu heerka la yaabka leh ku gaaray.

Farah Zendiko waxaa lagu xasuustaa dhacdo qaarada afrika xusuus gaar ah u leh oo ah heerkii uu gaarsiiyay garsoorayaasha Afrika xiligii uu ahaa gudoomiyah garsoorayaasha qaarada Afrika, markaasoo garsoorihii ugu horeeyay ee Afrikan ah uu qabtay ciyaar finale ah oo ka tirsan koobka aduunka sanadkii 1998 ciyaarihii lagu qabtay dalka France.

Ciyaarta finalah oo ay ciyaareen xulalka France iyo Brazil waxaa garsoore ka ahaa garsoore u dhashay dalka Marocco taasoo 3-0 ay koobka ku qaaday France.

Sidoo kale tartankii koobka aduunka ee lagu qabtay dalalka Koria iyo Japan wwuxuu farah Zendiko uu keenay garsoorayaashii ugu badnaa ee qaarada afrika koobka aduunka ugu qeybgala markii 5-garsoore iyo 5 calan haye ay ka qeybgleen.

Waxyaabihii uu ka qabtay dhanka horamrinta sports dalalka Bariga iyo bartamaha afrika waxaa laga xusi karaa isagoo u sameeyay xafiisyo u gooni ah xiriirka CECAFA sabatoo ah markii hore waxey isku xafiis isticmaali jireen xiriirka k/cagta ee kenya ee KFF.

Zendiko markii uu la wareegay gudoomiyanimada CECAFA sanadii 2000 wuxuu dib u habeen balaaran ku sameeyay hab dhaqankii maamul iyo kii dhaqaale ee uu lahaa Ururka CECAFA taasoo ururkaasi ka dhigtay mid iskiis u taagan oo ka nabada galay dhibaatooyinka ka jira Kenya Football Feradation

Farah Zendiko darajooyinka uu gaaray waxaa ka mid ahaa isagoo soo noqday afhayeen qaarada Afrika ee shirarka caalamiga ah kaga qeybgala.

Wax ugu weyn ee lagu xasuusto hormarka sports gudaha Jalle Zendiko waaxaa weeyey isagoo u sameeyay Gudiga Olympic somaaliyeed iyo xiirada hoos tag sharciyada ay ku dhaqmaan oo ah xiriir waliba si xor ah loo soo doorto sida kuwa caalamka oo kale wuuxuuna dib u habeyntaasi ku sameeya markii uu maamulka sports la wareegay 1993

Sports Somalia shaqsi kasta oo madaxa ka noqonay qeybihiisa kala duwan waxaa si toos ah u soo magacaabi jiray Agaasimaha wasaarada Sports, laakiin isaga markii uu yimid wuxuu badalay dhamaan sharciyadii u daganaa GOS iyo xiriirada kalaba.

Farah sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Mashruucii weynaa ee uu ka sameeyay xarunta SOS kaasoo ay ku baxday aduun dhan 75,000$ , wuxuu halkaa ka sameyay garoon k/cagta lagu ciyaaro iyo hall weyn oo loogu talagalay sports.

farah Zendiko wuxuu ahaa shaqsiga kaliyaha ee somaliyeed ee jagooyinkii ugu tirada badnaa ka qabtaa sports caalmka iyo somalia ,wuxuuna aruursadaya darooyin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta, Gudoomiyaha GOS, Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA, Gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika CAF. Iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga qaranka ciyaaraha qaarada afrika ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa) iyo Afhayeenka Qaarada Afrika ee xaga sportsFaarax Weheliye Cadow Zendiko oo ka mid ahaa odayaasha ugu caansan Somalia ee gaar ahaan dhanka Sports-ka ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Xaafadda 6 October ee Magaaladda Qaahira ka gadaal mar uu safar kaga soo laabtay Dalka Mareykanka.

Faarax Zendiko wuxuu in ka badan rubac qarni maamulayay Ciyaaraha Somalia isagoo ka gaaray heerkii ugu sareeyay ee shaqsi somali ah uu ka gaaro sports caalmka iyo kan somalia.

Farah Zindiko oo sports ku soo dhex jiray in ka badan 45 sano.ayaa laga ganaaxay dhaqdhaqaaqii kubadda cagta dunida muddo 10 sano ah, markii qilaaf xoog leh uu soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyaha FIFA Sepp Balter walow markii danbe guddoomiyaha FIFA uu cafis u fidiyay Farah Zendiko.

Geerida Zendiko waxaa si aad ah uga naxay dhamaan bahwaynta cayaaraha ee dalkeena ayadoo la ogsoon yahay kaalinta muuqatay ee uu Farah Zendiko ka qaatay horumarinta cayaaraha Somalia.

Taariikhda Zendiko Oo Kooban

Farah Zendiko wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho 1940, yaraantiisii wuxuu jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta, sanadii 1956 wuxuu ka mid noqday kooxda Shangaani ee seria B, isla sanadkaasi wuxuu ku biiray ciyaarta feerka oo xiligaas aad loo jeclaa, 1960 wuxuu ka mid noqday ciyaartoyda heerka labaad seria B ee Boondheere.

Farah Zendiko wuxuu ciyaaraha ka fariistay sanadkii 1962 markii uu jilibka dhaawaca ka soo gaaray, wuxuuna u wareegay dhinaca garsoorka kubada cagta, 1963i ayuu noqday garsoore heerka labaad , halka uu 1967 u dalacay garsoore heerka koowaad , sanadkii 1969 wuxuu noqday garsoore heer caalami ah.

farah Zendiko 1972 kii wuxuu noqday madaxa sports iyo dhalinyarada ee degmada Boondheere .

Sanadkii 1975 kii wuxuu Farah Zendiko noqday gudoomiye ku xigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo xubin gudiga Olympic soomaaliyeed ah, halka 1978 uu ka noqday gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiye ku xigeen gudiga olombikada soomaaliyeed,1978 wuxuu xubin ka noqday xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA.

Sanadkii 1980 wuxuu Jalle Zendiko xubin ka noqday gudigii joogtada ahaa ee xiriirka kubada cagta qaarada afrika ( CAF ),halka uu sanadkii 1984 kii ilaa 2004 xubin ka ahaa gudiga fulinta xiriirka kubada ee jaamacada carabta.

Sanadkii 1988 faarax Zendiko wuxuu xubin ka noqday gudiga fulinta xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee CAF, wuxuu kaloo isla sanadkaas noqday gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba xubin gudiga garsoorayaasha kubada cagta ee aduunka FIFA.

Sanadkii 1993 bur burkii dalka ku dhacay kadib wuxuu farah Zendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS

19 Janauray 2000 waxaa loo doortay Zendiko gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee CAF.

Isla sanadkaasi Faraha Zendiko wuxuu noqday gudoomiye ku xigeenka gudiga qaranka ciyaaraha qaarada afrika ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa)

Zendiko wuxuuna ka mid ahaa Musharaxiintii Madaxweynenimadda Somalia ee dowlada C/lahi yusuf lagu soo dhisay kaasoo Cabdulahi Yuusuf Ahmed 10 October 2004 kula tartamay Garoonka caalamiga ah ee Kasarani Complex ee Magaalada Nairobi.

Zendiko wuxuuna kaloo soo noqday Xoghayaha arrimaha dibadda ee Isbaheysigii golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Marxaladihii Zendiko

Sanadkii 1993 bur burkii dalka ku dhacay kadib farah Zendiko loo doortay gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo waliba gudoomiyaha gudiga olombikada soomaaliyeed GOS

xiligaasi wixii ka danbeeyay GOS waxaa madaxa saartay Farax Sendiko, laakiin qaab aad u xun ayuu kaga baxay saaxada sports aduunka iyo tii somalia markii FIFA ay sheegtay inuu lunsadey lacag faro badan oo loogu talo galey hormarinta ciyaaraha Somalia oo dhan.

Guud ahaan lacagta uu lunsaday Zendiko allaha u naxariistee waxaa lagu qadaray iney dhan tahay $1.5 Million oo meel loo raacdo aysan jirin ilaa iyo hadaan la joogo.

Lacagataasi maqan wuxuu Farah Zendiko u isticmaalay ololihii uu ku doonaayay inuu Madaxweyne somalia kaga noqdo gaar ahaan shirkii ka dhacay Eldoret/Mbaghati kaasoo looga cunay Zendiko lacag gaareysa $500,000 USD.

Sendiko in uu lunsaday Lacag gaareysa $1.5 Million wuxuu cadeyay xiligii uu tka qeybgalayay tartankii Sydney ee ciyaarihii Olympicada ee 2000, xaflad loo qabtey dhamaan ciyaartoydii ayuu meel uga dhacay isagoo weliba sheegey in lacagtaasi $100 kun oo ka mid Boosaaso la geeyay oo farta laga saaray Xasan Abshir si uu ciyaaro halkaasi uga qabto laakiin su'aashu waxey tahay halkey ayeey aaday lacagta inteeda kale ?

Farah weheliye Cadow Zendiko wuxuu ahaa rug cadaa sports oo oo maal iyo magac ka sameeyay sports guud ahaantiisaba laakiin ugu danbeyntii ceeb iyo fool xumo tii ugu xumeyd ayuu kaga baxay.

Odeyga Rug cadaaga ah ayaa wuxuu ifka ka tagay xilli uu doonayay inuu soo laba kacleyo markii xayiraadii FIFA ay sanadkaan ka qaaday, isagoo rajadii ugu horeysan ka helay CAF oo uu hogaamiye u yahay nin ay aad saaxiibo u yihiin kaasoo ku daray mid ka mid ah gudiga hoosaadyada CAF gaar ahaan kan dhalinyarada.

Wuxuu kaloo farah sheegtaa inkastoo aan arintaasi wali la xaqiijin inuu yahay mid ka mid ah madax sharafeedyada CAF taasoo uu ku helay xiligii dheeraa ee uu Gudoomiye ku xigeenka ka soo ahaa CAF.

Farah Zendiko wuxuu ku tagay isagoo sheeganaya inuu yahay gudoomiyaha xiriirka k/cagta somalia markii hoteelka lafweyn ay ku doorteen 23-kii bishii June 2008 13-kooxood oo k/cagta ah.laakiin sidaasi oo ay tahay wali meel uu aqoonsi ugu helay ma jirto jagada beeneedkaasi loo doortay.

Waxaana kuwii doortay laga sugayaa cidii ay ku badalan lahaayeen iyo cida dhaxli doonta xilkii uu ka geeriyooday Zendiko ee aan aqoonsiga loo helin.

Xiliyadii ugu danbeeyay Sendiko wuxuu noqday oday qurbo joog ah oo aan soo dhaafi karin Dalalka Masar Iyo Dubai iyo xiliyada qaar oo uu aadi jiray dalka Mareykanka markii uu isku calaamadeeyay wareysi uu bixiyay.

Odey Zendiko allaha u naxariistee waxaa lagu tiriyo madaxda ugu madax adag qaarada Afrika ee maamul ka soo qabta hayeeshee wuxuu ahaa shaqsi karti badan oo go,aanka uu qaato aysan cidna ka fujin karin waana taasi mid uu heerka la yaabka leh ku gaaray.

Farah Zendiko waxaa lagu xasuustaa dhacdo qaarada afrika xusuus gaar ah u leh oo ah heerkii uu gaarsiiyay garsoorayaasha Afrika xiligii uu ahaa gudoomiyah garsoorayaasha qaarada Afrika, markaasoo garsoorihii ugu horeeyay ee Afrikan ah uu qabtay ciyaar finale ah oo ka tirsan koobka aduunka sanadkii 1998 ciyaarihii lagu qabtay dalka France.

Ciyaarta finalah oo ay ciyaareen xulalka France iyo Brazil waxaa garsoore ka ahaa garsoore u dhashay dalka Marocco taasoo 3-0 ay koobka ku qaaday France.

Sidoo kale tartankii koobka aduunka ee lagu qabtay dalalka Koria iyo Japan wwuxuu farah Zendiko uu keenay garsoorayaashii ugu badnaa ee qaarada afrika koobka aduunka ugu qeybgala markii 5-garsoore iyo 5 calan haye ay ka qeybgleen.

Waxyaabihii uu ka qabtay dhanka horamrinta sports dalalka Bariga iyo bartamaha afrika waxaa laga xusi karaa isagoo u sameeyay xafiisyo u gooni ah xiriirka CECAFA sabatoo ah markii hore waxey isku xafiis isticmaali jireen xiriirka k/cagta ee kenya ee KFF.

Zendiko markii uu la wareegay gudoomiyanimada CECAFA sanadii 2000 wuxuu dib u habeen balaaran ku sameeyay hab dhaqankii maamul iyo kii dhaqaale ee uu lahaa Ururka CECAFA taasoo ururkaasi ka dhigtay mid iskiis u taagan oo ka nabada galay dhibaatooyinka ka jira Kenya Football Feradation

Farah Zendiko darajooyinka uu gaaray waxaa ka mid ahaa isagoo soo noqday afhayeen qaarada Afrika ee shirarka caalamiga ah kaga qeybgala.

Wax ugu weyn ee lagu xasuusto hormarka sports gudaha Jalle Zendiko waaxaa weeyey isagoo u sameeyay Gudiga Olympic somaaliyeed iyo xiirada hoos tag sharciyada ay ku dhaqmaan oo ah xiriir waliba si xor ah loo soo doorto sida kuwa caalamka oo kale wuuxuuna dib u habeyntaasi ku sameeya markii uu maamulka sports la wareegay 1993

Sports Somalia shaqsi kasta oo madaxa ka noqonay qeybihiisa kala duwan waxaa si toos ah u soo magacaabi jiray Agaasimaha wasaarada Sports, laakiin isaga markii uu yimid wuxuu badalay dhamaan sharciyadii u daganaa GOS iyo xiriirada kalaba.

Farah sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Mashruucii weynaa ee uu ka sameeyay xarunta SOS kaasoo ay ku baxday aduun dhan 75,000$ , wuxuu halkaa ka sameyay garoon k/cagta lagu ciyaaro iyo hall weyn oo loogu talagalay sports.

farah Zendiko wuxuu ahaa shaqsiga kaliyaha ee somaliyeed ee jagooyinkii ugu tirada badnaa ka qabtaa sports caalmka iyo somalia ,wuxuuna aruursadaya darooyin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta, Gudoomiyaha GOS, Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha afrika ee CECAFA, Gudoomiyaha garsoorayaasha afrika iyo waliba Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika CAF. Iyo gudoomiye ku xigeenka gudiga qaranka ciyaaraha qaarada afrika ee maamula tartamada All African games.(Vice Chairman National Sports Council Of Africa) iyo Afhayeenka Qaarada Afrika ee xaga sports.

Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture