|
21/11/2008
- Dowladda Sacuudiga, ayaa sheegtay inay
Ra'isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia
iyo Mas\'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda
Federaalka iyo Dowlad-gobaleedka Puntland
kala xaajoonayaan sidii loo sii dayn lahaa
Markabka Booyadlaha Shidaalka ee Sacuudiga
ee lagu haaysto Xeebaha W/bari ee dalka
Somalia.
Danjiraha Dowladda Sacuudiga uga wakiilka ah
dalka Kenya, Nabiil Khalaf Cashuur, ayaa
shaaca ka qaaday inay Wada-xaajooyo dhowr la
yeesheen Madaxda Qaranka Somalia, si loo
furdaamiyo xiisadda ka dhalatay Markabka
Booyadlaha Shidaalka ee "Sirius Star" oo ay
Burcad-baddeed Soomaali ah dhawaan ka
qafaalatay Gacaan-biyoodka Cadmeed.
Danjiraha, ayaa hadalkaasi ku sheegay
Wareysi uu siiyey Wargeyska Asharqal-awsad
ee ka soo baxa magaalladda London, wuxuuna
xusay inuu arrintaasi kala xaajooday
Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, Nuur Xasan Xuseen
"Nuur Cadde" iyo Ku-xigeenkiisa, Danjiraha
Dowladda Somalia u jooga dalka Kenya,
Maxamed Cali Ameeriko, Ra\'isul-wasaarijhii
hore ee Somalia, Xasan Abshir Faarax iyo
Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland,
Jeneral Cadde Muuse.
Danjiraha Dowladda Sacuudiga uga wakiilka ah
dalka Kenya, Nabiil Khalaf Cashuur, waxa
kaloo uu carrabka ku dhuftay inuu xiriir la
sameeyey 0dayaasha Dhaqanka ee Beelaha ku
dhaqan Puntland, si ay gacan uga geystaan in
la sii daayo Markabka Booyadlaha Shidaalka
ee Sacuudiga leeyahay iyo shaqaalaha la
socday.
Hadalka Danjiraha ayaa ku soo beegmay iyadoo
uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka
Sacuudiga, Amiir Sacuud Faysal sheegay inay
Milkiilayaasha Markabka Booyadlaha " Sirius
Star" wada-xaajood la bilaabeen
Burcad-baddeeda haysata Markabkaasi.
Wasiirka oo u waramayey Wargeyska
Asharqal-awsad, waxa uu sheegay inay
Burcad-baddeeda qabsatay Markabkaasi ku
hubeysan yihiin Gantaalladda Garbaha laga
tuuro ee RBG , garneylo iyo noocyadda hubka
fudud.
Dhinaca kale, Taliyaha Hawlgalladda ee
Ciiddanka Badda ee dalka Yeman, ayaa sheegay
in inta badan xubnaha Burcad-baddeeda
Soomaalida yihiin Ciiddamo ka tirsanaa
Ciiddankii Badda ee dalka Somalia.
Taliyaha
waxa uu tilmaamay inay Burcad-baddeeda
leeyihiin Talis hoggamiya, oo qorshaha lagu
weerarayo Maraakiibta u dejiya, waa sida uu
hadalka u yiri Taliyaha Hawlgalladda ee
Ciiddanka Badda ee dalka Yeman, Jeneral Al-mahdi.
Sarkaalkaasi, waxa kaloo uu tilmaamay inay
Taliska Burcad-baddeeda hawlgeliyaan labo
kooxood, oo mid loogu talagalay inay
fuliyaan Hawlgalladda Afduubka Maraakiibta,
halka Kooxdaa kale loogu talagalay inay
ilaalo ka qabtaan Maraakiibta la soo afduubo,
una kaxeeyaan Xeebaha dalka Somalia ee ay
Burcad-baddeeda ku xooggaan yihiin, gaar
ahaan Xeebta magaalladda Bosaaso. |