|
21/11/2008
- Ra段isal Wasaaraha oo si nabadgelyo ah
ugu soo noqday Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu
qabtay shir jaraa段d oo uu uga hadlay arrimo
dhowr ah oo ku saabsan dib u heshiisiinta u
socota Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga
Dib u xoreynta, khilaafka soo kala dhexgalay
isaga iyo madaxweyne Yuusuf iyo weliba
maamul u sameynta gobolka Banaadir.
Ra段isal Wasaaraha ayaa sheegay in wada
hadallada dib u heshiisiinta ah ee u socda
Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u
xoreynta ay meel wanaagsan marayaan, wuxuuna
caddeeyay in ay wada hadalladaas ka soo bixi
doonaan miro wanaagsan oo ay ku farxaan
dadka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay Ra段isal Wasaaraha in uu
shacabka Soomaaliyeed uga cudur-daaranayo
hadalladii khilaafka laga dheehan karay ee
ay saxaafadda isaga isu mariyeen isaga iyo
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna
caddeeyay in khilaafkaas lagu dhameyn doono
Baarlamaanka hortiisa, iyadoo la eegayo
shuruucda u degsan Dowladda Federaalka.
Waxaa uu ka hadlay dhaliil uu Urur
Goboleedka IGAD u jeediyay Hoggaanka sare ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna
sheegay in ay dhaliishaas u arkayaan mid
lagu saxayo Dowladda Federaalka Soomaaliya,
wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu soo
dhaweynayo.
Maamul u sameynta gobolka Banaadir ayuu ka
hadlay Ra段isal Wasaaraha, wuxuuna sheegay
in sida lagu wargeliyay ay arrintaas meel
wanaagsan mareyso, dhawaanna la soo
gebagebeyn doono howsha maamul u sameynta
Gobolka Banaadir.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dib ugu soo
noqoshada Ra段isal Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho
ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu
khilaaf bannaanka yaalla u dhaxeeyo
Madaxweynaha iyo Ra段isal Wasaaraha
Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan tahay in
ay soo xoogeysanayaan xoogagga ka soo
horjeeda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo
dhawaanahan la wareegayay gacan-ku-heynta
deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo
Bartamaha Soomaaliya |