|
War
deg deg ah oo hada naga soo gaaray Magaalada
Baydhabo ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor
loo magacaabay xilkii R/wasaare nimo Dr:
Nuur Cadde.
Rag ka tirsan DFS oo aan qadka taleefoonka
kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in
maanta si rasmi ah loogu dhaqwaaqay xilka
R/w nimada ee badalaya Prof; Cali Maxamed
Geedi.
Sidoo kale waxaa jira rag baddan oo loolanka
kula jiray si ay u heli lahaayeen xilkaas
balse uu ku guuleystay R/wasaare Dr: Nuur
Cadde oo maanta soo gaaray magaalad Baydhabo.
Col Nuur cadde ayaa ah nin aad u xil dheer
oo aqoon buuxdana leh asigoo ka soo
sahaqeeyay xilal baddan oo kala duwan waxaa
uuna leeyahay qibrad maamulo kala duwan uu
ku soo dhex jiray illaa iyo in ka baddan
afartan sano.
wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco
wararkeena Dambe |