Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Beesha Mudulood oo dagaal ku baaqday hadii Madaxweynaha uu ku adkeysto in uu bixiyo Ra'isal Wasaare Nur Cadde.

 

18/11/2008 - Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen maanta beesha Mudulod waxa ay si kulul u weerareen Siyaasadaha guracan ee Madaxweynaha ku hayo Ra'isal Wasaaraha , waxana ay sheegeen in dagaal la filayo hadii Madaxweynaha sii wada damaciisa Siyasadeed ee waalan.

Odayasha Beesha oo uu kulankoda ka dhacay Hotelka Glopal waxaa ay shacabka beelweynta Mudulood ugui baaqeen feejignaan in ay muujiyaan xaaladaan deg deg ah.

Dhinaca kale Banaan bax ballaaran oo lagu taageeray mowqifka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxeen wadooyinka Waqooyiga Magaalada oo ah deeganada ugu badan ee beeshaan ka dagto G/Banadir

Shacabka banaanbaxayey oo isugu jiray haween, caruur iyo dad da' ah ayaa watay caleemo qoyan, waxaana ay ay ku qeylinayeen hal ku dhigyo taageero ah, iyagoona soo dhoweeyay xukuumada cusub uu Ra'iisul Wasaaraha yagleelay.

Banaan baxayaasha ayaa socod ku marayay wadooyinka qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Waqooyiga Muqdisho sida Isgoyska Sanca, SII SII, Beexaani, Fagax, C/casiis, iyo Shibis.

Si kastaba Beesha Mudulood ayaa ay ka go'antahay taagerada Nur Cadde af iyo adin.

 

 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture