|
18/11/2008
- Wasiirradda Arrimaha Dibedda ee lixda
Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD,
ayaa lagu wadaa inay kulan degdeg ah berrito
ka yeeshaan Xaalladda dalka Somalia, xilli
ay Madaxweynaha iyo Ra'isul-wasaaraha DFKMGS
ku kala didsan yihiinQaab-dhismeedka
Xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqay.
Wararka laga helayo caasimadda dalka
Ethiopia ee Addis Abeba, ayaa lagu sheegay
inay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee
Urur-gobaleedka IGAD berrito kulan gaar ah
ka yeelan doonaan Xaalladihii ugu dambeeyey
ee dalka Somalia, waxaana kulankaasi lagu
baaqay kadib, markii ay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Ra\'isul-wasaare Nuur Cadde
ku fashilmeen kulan ay dhawaan ku yeesheen
magaalladda Addis Abeba, oo ay kaga
tashanayeen dhismaha Xukuumadda cusub.
Labada Hoggaamiye oo Jimcihii la soo dhaafay
kulan ku yeeshay magaalladda Addis Abeba,
waxa uu kulankooda ku dhamaaday iyagoo aan
wax heshiis ah ka gaarin dhismaha Xukuumadda
cusub, waxayna Labada Hoggaamiye midba midka
kale ku eedeynayaa inuu ka mas\'uul yahay
fashilka ku yimid wada-xaajoodkooda.
Kulanka ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee
dalalka xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD
berrito ku yeelan doonaan magaalladda Addis
Abeba, ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo
Xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda
Sare ee DFKMGS iyo sidii ay Wasiiradda u
gaari lahaayeen Go\'aan lagu xalin karin
karo is-maandhaafka Madaxweyne Yuusuf iyo
Ra\'isul-wasaare Nuur Cadde oo soo
jiitamayey dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Dowladda Ethiopia oo taageero siisa DFKMGS,
ayaa mararka qaarkood awoodi jirtay inay
xaliyaan Khilaafyadda Siyaasadeed ee ka
dhexeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Ra\'isul-wasaare
Nuur Cadde, inkastoo ay Dowladda Ethiopia ku
fashilantay xalinta khilaafka ka dhashay
dhimaha Xukuumadda cusub ee Somalia.
Dhinaca kale, Shirweynihii ugu dambeeyey ee
Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah
Urur-gobaleedka IGAD ku yeesheen caasimadda
dalka Kenya ee Nairobi, ayey isku waafaqeen
in Xukuumadda cusub ee Somalia la so odhiso
ka hor bishan 12-dii, inkastoo ay Madaxweyne
Yusuuf iyo Ra\'isul-wasaare Nuur Cadde ku
fashilmeen inay ku heshiiyaan dhismaha
Xukuumadda cusub, si ay Nabad iyo
Deganaansho loogu soo dabaalo dalka Somalia.
Urur-gobaleedka IGAD oo ay xubno ka yihiin
dalalka Somalia, Jabuuti, Kenya, Sudan,
Ethiopia, Eriteria iyo Uganda waxaa la
asaasay sannadkii 1986-kii, waxayna
Xaruntiisa dhexe ku taalla dalka Jabuuti. |