Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

In ka badan 400-Ergo oo ka soo jeeda Beesha Mudulood kana kala yimid W/Amerika ilaa Yurubta Dhexe oo Kulan ay kaga hadlayeen Xiisdaa Baydhaba ku qabtay Dalka UK ( Sh.Muudey Gacal iyo Xubno kalo oo Caan oo ka dhex muuqday)

 

Maxamed Dheere iyo Sheeqa Muudey

17 Oct 2007 Bristol - Magaalada Bristol ee Dalka Brietan ayaa waxaa maalmahaan ku sii qulqulayey Ergo ka soo jeeda Beesha Mudulod kuwaas oo ay ka imaanayey Dalal fara badan oo Caalmaka ah gar ahaan Dalal u badan yurub iyo W/Amerika.

Kulankaan oo ahaa mid aad u adag aya waxaa ay looga dooday waxa kala gudboon Beesha Mudolood Siyaasadaha ka dhanka ah Ra'isal Wasaare Geedi ee ka socda Magaalada Baydhaba ee uu wadaa Madaxweynaha DFS C/laahi Yuusuf Axmed.

Kulankaan oo ka dhacay Xarun lagu shiro oo ku taala magaalada Bristol ee Dalka UK ayaa waxaa ay Xubnaha Shiray isku raaceen in aan marna la isku dayin majaxaabin lagu sameeyaa Ra'isal Wasaare Geedi , waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha uu ka fiirsadaa talaabada ka dhanka ah Ra'isal Wasaaraha hadii kal uu isna biyo ugu gali doonaa Gurigisa.

C/qaadir "Xabatafad" oo ahaa Afhayeenkii Mudolod ayaa sheegay in ay Beeshu tahay beeshii kaliya ee soo dahweysay DFS loona baahanyahay in lagu ixtiraam xilka ay ka haysaata DFS hadii kale uu qabiil walbaa ku laaban doonaa halku uu deegaan ahaan u leeyahay.

Odayaasha Shirka

Sh.Mudeey Gacal oo ka mid ah Maamulka G/Banadir ayaa sheegay in loo baahanyhaay in la ixritiraamaa Wax qeybsiga 4.5 tii wax lagu qeybsaday , waxaana ka digay xaalada iyo Mustaqbalak dawlada hadi Geedi uu meesh ka baxaa .

Coll: Shiine Celi oo si caro leh kaga hadlay kulankaas ayaa carabka ku dhuftay in meesha ay u baahantahay kala danbeyn isla markaana qobweyni iyo qabiil ku taagleys aysan u baahneyn waxa uu ugu yeeray kursi beelweyn in lagu iibsado qobweyni ay tahay maan yari.

Xaaji macaw oo isna ahaa Ragii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in marwalbaa ay muhiim tahay Midnimada mudulood si looga adkaadaa Cadawga haweysanaya buu yiri Xqa ay u leedahay in ay wax Hogaamisaa.

Sidoo kale Suldaan Caseyr oo ku dheeraaday warkiisa ayaa saxaafada u gudbiyay asigoo xiligaas lahadlaayay Idaacadaha Muqdisho oo ay ka mid yihiin Somaliweyn Radio iyo Hornafrik asigoo dadkii xiligaas dhageysanayay ugu baaqay in si wadi jir ah ugu istaagaan xiisada soo cusboonaatay ee gor gortanka ah.

Illaa iyo todobo xubnood oo muhiim ku ah beesha ayaa la hadlay Idaacadaha ayagoo ka war bixiyay fikarkooda ku aadan mooshinka ka dhanka ah R/W Cali Maxamed Geedi oo sida aan ganbashada laheyn loogu soo maleegay waxa ay ugu yeereen majaxaabin.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday in beesha loogu baaqayo in ay sii wadaa Qorshihii uu ka geeriyooday Jeneraal Jilicow ee ahaa in ay Beesha dhisataa BanadirLand si ay ula mid nqodaan Puntlan iyo Somaliland .

Si kastaba Kulankaan oo jawi fiican ku soo dhmaaday ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqday dhinaca qabanqaabada iyo isku xirka inj Aweys Max'ud Hilowle.





 
 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Mr: Qanyare & Xaaji Muuse