|
17
Oct 207 Baydhabo - Xildhibaan Muuse Suudi
Yalaxow ayaa sheegay in Dowladda Federaalka
ay ku dhisan tahay awood qeybsi, isla
markaana Ra'iisul Wasaare Geeddi uu sharci
ku yahay xubinimadiisa.
Xaaji Muuse ayaa si caro leh kaga jawaabay
soo jeedinta 22 Wasiiro shiray oo ay ku
tilmaameen Xukuumada mid dhacday oo laga
doonayo in ay kalsooni weydiisato.
Xildhibaanka oo si weyn u difaacayay
Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa sheegay in
muranka taagan uu yahay awooda uu leeyahay
Ra'iisul Wasaaraha oo sida muuqata uu
tilmaamay in ay tahay mid aan la xaqiri
karin.
"Wasiirada soo jeediyay in Xukuumada
weydiisato Baarlamaanka kalsooni waa kuwo
doonaya, in ay bur buriyaan Dowladda,
fowdana ay abuuraan, wax ay u dhimi karan ma
jirto Awooda Ra'iisul Wasaaraha"ayuu yiri
Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.
Muuse Suudi ayaa ku eedeeyay Madaxaweynaha
Dowladda Soomaaliya inuu si qaldan uu u
adeegsaday lacago badan oo soo galay
Dowladda Kmg, isagoo aan xaq u laheyn buu
yiri in wax lacago ah uu maamulo, balse uu
xaq u leeyahay Ra'iisul wasaaraha in uu
maamulo, uuna kala gaarsiiyo Wasaaradaha.
Hadalka Xaaji Muuse ayaa ku soo aadaya,
xilli Xiisada ka tagaan Baydhabo ay cirka
isku sii shareereyso, isla markaana
Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku sii kala
qeybsamayaan fikirka ah in Xukuumada
kalsooni weydiisato iyo in kale.
Dhanka
kale waxaa kulankii shalay hadal kulul ka
jeediyay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo
sheegay in ay wax aan sharci ku fadhin ahayd
soo jeedin ka timid 22 wasiir oo ka tirsan
31-ka Wasiir ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, kuwaasi oo uu shirkooda ku
tilmaamay mid fowdo ah.
“Kulan ay qabtaan Xubno Wasiirro ah oo uusan
shir guddoomineynin Ra’iisal Wasaare Geeddi
waxaa uu la mid yahay kulan ay qabteen Dalxa
iyo Boqorre (Guddoomiye ku xigeennada
Baarlamaanka) iyadoo uu joogo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, kaasi
sharci ma ahan ee waa mid fowdo ah, marka
Wasiirrada haddii ay mooshin soo gudbinayaan
ha u tagaano Ra’iisal Wasaarahooda, kadibna
intey is-casilaan iyagoo Xildhibaano caadiya
ah ha soo gudbiyaano mooshinka ay
doonayaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed
Qanyare Afrax.
|