Xamar & Xamardaye News

U DH N S

Dr Xussen Cali Axmed
 
BBC Somalia
 
  11:00-11:15
  14:00-15:00
  18:00-18:30
 

Radio VOA

Voice of America
 
 
 

Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isal wasaare nur Cadde oo mar kale laga wacay Adis'ababa

 

Yuusuf13/11/2008 - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra段isal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa haatan waxay ku wada sugan yihiin Magaalada Addis Ababa ee Xarunta u ah Dalka Itoobiya.

Madaxda Dowladda Federaalka oo wada degan Hotelka Shiraton ee Magaalada Addis Ababa ayaa waxay halkaas ku tageen casuumaad ay ka heleen madaxda dowladda Itoobiya oo si weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in sababta madaxda Dowladda loogu yeeray ay tahay sidii mar kale loogu kala gar-qaadi lahaa, iyadoo la sheegayo in Madaxweynaha iyo Ra段isal Wasaaraha ay isku khilaafsan yihiin Xukuumad uu soo dhisay Ra段isal Wasaare Nuur Cadde, taasi oo uu madaxweynaha dhaliilsan yahay.

Dhawaan ayay ahayd markii labadan mas置ul oo uu khilaaf soo kala dhexgalay lagu dhexdhexaadiyay magaalada Addis Ababa, kadibna ay soo saareen qoraal ay ku sheegayaan in ay uga heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay, walow haatan uu u muuqanayo khilaaf midkaas oo kale ah.

Ra段isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo shalay shir jaraa段d ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u gudbiyay liiska Wasiirro iyo wasiir ku xigeenno uu soo magacaabay, kuwaasi oo uu sheegay in uu madaxweynaha ka rajeynayo in uu saxiixo, walow ay jiraan warar sheegaya in madaxweynaha uu diidan yahay qaabka uu Ra段isal Wasaaraha Wasiirradaas u soo xulay, taasina ay keentay in ay madaxda Dowladda Itoobiya soo kala dhexgalaan.

Lama oga ilaa iyo haatan sida ay madaxda Itoobiya u kala saari doonaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mar kasta oo is-qabtaan looga yeero Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

 

 
Dr: Xussen Cali Axmed
 
Dalka Furniture

Dalka Furniture