|
13/11/2008
- Wararka naga soo Deegaanka Ceelasha
Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa
waxay sheegayaan in uu halkaas ka jiro
dhaqdhaqaaq Ciidan, iyadoo Ciidamadaasna ay
isugu jiraan kuwo Itoobiyaan ah iyo kuwo ka
soo horjeeda.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 9 Gaari oo
Ural ah oo ka soo amba baxay Degmada Afgooye
ayaa waxay socod lug ah ku mareen Wadada
isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada
Muqdisho, iyadoo intii ay Wadada socdeen
lagu dhagaxyeeyay inta u dhaxeysa Xaawo
Cabdi iyo Ceelasha Biyaha, lamana soo
sheegin wax dhibaato ah oo ay geysteen
Ciidamadaas.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo lagu soo
waramayo in ay gaareen Deegaanka Siinka
Dheer ayaa la sheegayaa in wax yar ka hor
intii aysan halkaas gaarin ay Deegaanka
Ceelasha Biyaha iyo Nawaaxigiisa ka tageen
Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka
iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka
Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa xalay halkaas ku
sugnaa.
Dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen Ciidamadan
Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa
iyadoo xalay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah
meesha ay u barakaceen dadkii ugu badnaa ee
ka qaxay magaalada Muqdisho ay xalay gaareen
Xoogag Islaamiyiin ah, kuwaasi oo sheegay in
ay halkaas u tageen sugidda Ammaanka
Deegaankaas. |