|
12/11/2008
- Ra段sul wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur
Cadde oo maanta shirjaraa段d ku qabtay
magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya
ayaa sheegay in illaa 10-wasiir iyo wasiiro
ku xigeen oo ka mid noqonaya Xukuumada
kuwaasi oo badalaya Wasiiradii horay isaga
Casilay Xilalkii ay ka hayeen Xukuumadiisa.
Nuur Cadde ayaa sheegay in tilaabadani ay
waafaqsan tahay qorshii urur goboleedka IGAD
ee dab socda Go誕ankii Golaha Baarlamaanka
KMG Soomaaliya ee ka dhanka ahaa xubnihii
xilalkooda isaga casilay oo sharci ahaan
meesha laga saaray markii baarlamaanka Cod
aqlabiyad ah ku diiday horaantii Bishii aynu
ka soo gudubnay.
Ra段sul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) ayaa waxaa uu sheegay in maanta ay ku
began tahay 15-kii Maalin ee loo qabtay in
lagu soo buuxiyay boosaska ay baneeyeen
Wasiiradaasi horay isaga casilay
xilalkooda,isla markaana uu ogolaashiyaha ka
sugayo Madaxweynaha.
Sidoo kale Nuur Cadde waxaa uu sheegay in
go誕ankasi uu qeyb ka yahay qorshe lagu
doonayo in meesha looga saaro Qilaafka u
dhexeeya Madaxweynaha,Ra段sul
wasaaraha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Xubnaha Barlamaanka KMG Soomaaliya.
Ra段sul wasaaraha waxaa uu sidoo kale ka
hadlay qorsha ku aadan in mucaaradka lagu
soo biirinayo Xukuumada waxaa uu sheegy in
qorshahaasi uusan iminka Miiska saarneyn
isla markana loo baahan yahay in la gaaro
qorshooyin ka horeeya inta aan xukuumada
lagu soo biirin Mucaaradka gaar ahaa Xubnaha
Dowlada heshiiska dalka Jabuuti kula gaaaray.
Shirka jaraa段d ee Nuur Cadde ayaa waxaa uu
ku soo aadayaa xili uu weli jiro qilaafkii u
dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha KMG
Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed kaasi in
badan ay ka sheegeen madaxada Wadamada
Caalamka hortooda in ay xal ka gaareen
qilaafkooda kaasi oo salka ku hayay
wasiirada uu sheegay in uu maanta
magacyadooda uu gudbiyay oo uusan weli
madaxweynaha ka quusan Wasiiradii horay isku
casilay xiligii qilaafka uu u dhexeeyay inta
ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho
Madaxweynaha iyo Ra段sul wasaaraha. |