|
12/11/2008
- Wararka naga soo gaarayo Magaalada
Marka ee Gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in
gabi ahaanbta ay la wareegeen Magaalada
Dagaalyahanada Alshabaab ka dib markii ay
saakay weerar aan dhiig ku daadan ku
yimaadeen .
sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah
Xoogaga Alshabaab ayaa waxa ay saakay
fariisan ka dhigteen Xarumaha Maamulka
gobalka Sh/ Hoose iyo kuta ciidamada,
waxaana la xaqiijiyey Maamulkii ka talinayey
iyo ciidamada booliska ay xalay isaga baxeen
magaalada ka dib markii ay soo food saartay
cabsi xoog leh.
Shalay ayaa Ciidamada Alshabaab waxa ay la
wareegeen Magaalooyinka Qoryooleey iyo Buulo
mareer, waxaana ay tani ka dhigeysaa in ay
gabi ahaaba la wareegeen gobalka maadaama ay
xaruntii maamulka qabsadeen.
ciidamada Xooga Dowladda Federalka ayaa
shalay sheegay in ay weerari doonaan
Deegaanada Alshabaab ay qabsadeen, iyaga oo
intaasi raaciyey in 24-saac gudahoodna ay
war cad ka keeni doonaan arimaha la xiriira
Gobalka Sh/hoose. |