|
Khamiis -
11 Oct 2007
Birmingham
- Xaflad loogu baroordiiqayay Gen. Axmed
Jilacoow Caddoow oo maalintii jimcaha 05 Oct ahayd lagu
dilay magaaladda Muqdisho ayaa maalinta Axada
07 Oct waxaa lagu
qabtay magaaladda Birmingham ee ah caasimada
labaad wadankan
Britain, waxaana ka qeyb galay baroordiiqdaasi
xubno badan oo ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida
ee ka yimid magaalooyinka kala duwan ee wadankan
Great Britain iyo madax sarre DFS ka tirsan.
Wariye ka tirsan Shabakadan oo loogu yeeray in
uu ka soo qeybgalo Xafladaas ayaa ku tilmaamy in
boqolaal ka tirsan Jaaliyadaha kala duwan ee
wadankan Britain ee isugu yimid goobtaas ay ka
muuqatay wajigooda tiiranyo iyo murugo, sidoo
kale in ay goobta kusoo bandhigeen dadkii isugu
yimid goobta dilka loo geystay Gen: Axmed
Jilacow Caddow in uu ahaa mid aad looga xumaado
kuna tilmaameen in Gen: Jilacow uu ahaa shaqsi
nadiif ah isla markaana ah shaqsi sumcad weyn ku
lahaa bulshada Soomaaliyeed Dhexdeeda.
Xafladdaasi Baroordiiqda aheyd ayaa looga hadlay halgankii
dheeraa ee Gen: Axmed Jilacow Caddow iyo xilalkii uu
ka soo qabtay dowladdii loo darsaday ee
Milateriga ahayd, iyadoo
munaasabadaasi lagu soo bandigay buug uu qoray
Naxriistee jana eeba ha siiye Marxuum Gen: Jilacow oo ka hadlayay taariikhda
Soomaalida, buugaas oo loogu magac daray
Galbiskii Geerida aydadoo isla goobtaas in
gaaban lagu tibaaxay macnaha buuga uu
xambaarsanaa ayaa hadana dareemi kartaa in uu
ahaa mid macna weyn xambaarsan misna lagu
tilmaami karo in uu Jananka ka tagay taariikh
xasuus ah waa "Galbiskii Geerida".
Waxaa kaloo xafladda baroordiiqa ka hadlay Gud:
Qaxootiga iyo dib u dejinta
Sheekha Muudeey Gacal iyo Gud: Jaaliyadaha
shanta qaaradood Xaaji Qaroofoow iyo
waxgarad kale, waxayna ku dheeraadeen hab
dhaqankii wanaagsanaa ee Jilacoow iyo
waxqabadkiisa iyagoo Illaah uga baryay in uu
naxariistii janno ka waraabiyo.
Sidoo kale waxaa mahad aan la soo koobi karin
looga jeediyay isla goobtaas jaaliyada
Bermingham ee soo qabanqaabisay xafldaas oo si
heersare ah loo soo agaasimay ayadoo sidoo kale
jaaliyada ay sheegtay in loo baahan yahay xili
walba waqtigaanoo kale in la xasuustaa jananka
naxriistii jana eeba ha siiyee uu aha Gen:
Jilocow nin waday halgan dheer ah sabababaha loo
dilayna ay tahay mid halgan diid iyo wadan diid
uu ka danbeeyo.
Xafladaasi ayaa waxay Jaaliyadaha
kala duwan wadankan Briatain ee ka qeyb gashay
ay saxiixeen buuga tacsida ee Gen. Axmed
Jilacoow Caddoow oo lagu
dilay Magaaladda Muqdisho.
Waxaa kaloo maalinta Axada taariikhdu marka
ay tahay 14 Oct 2007 Baroordiiq midkaanoo
kale ah lagu qaban doonaa magaalada caasimada
London ee wadankan Britain ayadoo lafilaayo
dad aad u tira badan in ay isugu yimaadaan
goobtaas.
|